Dharka lagu xardhay midabka calanka Soomaaliya oo Jig-Jiga qaali ka noqday

Jig Jiga (Aftahannews)- Tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaa magaalada jigjiga ku soo badanayay waxyaabo badan oo dowladdii hore ay dadka deegaanka ka mamnuucday.

Waxyaabaha mamnuuca ahaa ayaa waxaa ka mid ah astaanta calanka Soomaaliya oo haatan aad looga xiiseeyo gudaha magaalooyinka sida Jigjiga oo kale.

Dharka lagu xardhay calanka Soomaaliya gaar ahaan duruucda ay xidhaan dumarka ayaa haatan gudaha magaaladaasi Jigjiga aad uga qiimo badan dharka kale.

“Diraca shiidka ah waxaan ku iibinaa120 bir oo lacagta Itoobiya ah, balse marka lagu xardho calanka Soomaaliya waxaan ku iibinaa 300 oo bir.” Ayay tidhi Salma Yuusuf Ismaaciil.

Salma oo BBC-da kula hadashay magaalada Jigjiga ayaa sheegtay in ay xukuumaddii hore ayna ogolaan jirin in Jigjiga lagu xidho calanka Soomaaliya, “isla markaasna ay ku taami jireen in ay arrintaasi mar uun u suuragasho.”

Diracyada iyo go’yaasha calanka Soomaaliya lagu xardhay ayaa gabaabsi ku ah Jigjiga.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa hore u sheegay in ay dadku aragtidooda oo xor ah dhiiban karaan iyaga oo u maraya wadooqiin nabad ah.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka