Shir talo qaran iyo dib-u-dhacyada doorashooyinka. Faallo- Cali Cabdi Coomay

Filed under: Aragtida Bulshada |

Tan iyo intii ka dambaysay doorashadii 1993 Boorama ee lagu soo doortay madaxweyne Cigaal AHN, waxa ay doorashooyinku dib-u-dhaceen sannadihii 1995 iyo 2002. Duruufaha dib-u-dhacu way kala duwanaayeen, hasayeeshee marna waxa lagu dhaqmayey Axdi-qarameedkii Boorama lagu sameeyey marna waxa lagu dhaqmayey distoorkii aftida loo qaaday sannadkii 2001-dii.

Wakhtiyadii nidaamka xisbiyada badani hannaqaaday waxa ay doorashadu dib-u-dhacday sannadihii 2008, 2015 iyo 2017. Sidii dib-u-dhacyadii hore oo kale ayaa la raacay qoddobada distoorka ee qeexaya iyo waxa la yeelayo markii doorashadu qabsoomi weyday, duruuf kastaa ha jirtee. Dib-u-dhacyadii doorashada ee wakhtigii madaxweyne Riyaale waxa jiray qaar ka tirsan hogaanka dhaqanka Soomaalilaan oo ku dhawaaqay waxa ay ugu yeedheen ‘SHIR TALO ISAAQ’, hasayeeshee xukuumaddii wakhtigaasi ayaa horjoogsatay oo qaarkood jeelasha ku gurtay, waayo distoorka ayuu ka horimanayey.

Dib-u-Dhacyadii Doorashooyinkii Soomaalilaan Sannadkii 1995

Markii dawladdii Maxamed X. Ibraahin Cigaal lagu soo doortay magaalada Boorama horaantii Sannadkii 1993 ee ay dhammaatay muddadii xilka loo doortay oo ahayd muddo saddex sanno ah, balse uu socday dagaalkii Sokeeye ee bilaabmay dabayaqaadii sannadkii 1994-kii ayey Golaha guurtidu kulan ka yeesheen sidii loo qiimayn lahaa xaaladda dalku marayo. Waxaana la soo jeediyey inaanay marnaba dhacayn doorasho, maadaamo oo lagu jiro xaaladda amaan-darro ah. Faahfaahin ka eeg Buugga: Meerisyada Taariikhda 2014.. Cali Qoryooley.

Kulankaasi golaha guurtida waxa ka soo baxay muddo kordhintii koowaad ee golaha guurtidu u sameeyaan dawladda Somaliland waxaana M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal loo kordhiyey muddo dhan sannad iyo badh. 1995-kii ilaa 1996-kii ayaa la kordhiyey. Horaantii sannadkii 1997-kii waxa loo dareeray doorashadii shir-Beeleedka ee ka dhacday Hargaysa gaar ahaan guriga shaqaalaha.

Sannadkii  2001-dii

Markii labaad ee muddo kordhinta loo sameeyey dawladdii M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal ahaa ahayd muddo dhan sannad. Taaso ka bilaabmaysay 2001-dii ilaa 2002-dii.  Sidii hore oo kale sababaha loo cuskaday muddo kordhinta ay golaha guurtidu samaysay waxa lagu sheegay dhawr arrimood oo ay ugu mihiimsan yihiin

Guddigii diiwaangelinta lama samayn, si dadka codaynaya loo ogaado

Xuduudihii dalka lama wada gaadhin

Xaalada dalka oo weli ku jirta amaan-daro, maadaama oo Burco lagaga dhawaaqay gole Salaadiin iyo siyaasiin isugu jirta.

Markii ay Golaha Guurtidu arrimahaasi soo bandhigeen ayey go’aamiyeen muddo kordhintaasi.

Sannadkii  2008-dii.

Sannadkii 2003-dii ee la doortay M/weyne Daahir Riyaale Kaahin, muddo xileedkiisu wuxuu ku dhammaa 2008-dii. Markii ay soo dhawaatay wakhtigii doorashadu, ayay guurtidu kal-fadhi yeesheen  lagaga doodaayey ajande ah muddo kordhin loo sameeyo xukuumaddii Daahir Riyaale. Go’aanka muddo kordhinta oo summaddiisu ahayd GG/JSL kal-fadhi 35-aad, go’aan Lr 04/2008-dii, soona baxay 13-kii Abriil 2008-dii, ujeedada kal-fadhiga ayaa ahayd muddo kordhin. Waxa madasha fadhiyay 65 xildhibaan oo guurti ah, waxa la gudo-galay cod u qaadistii, waxa oggolaaday 61 xubnood, waxa ka aamuusay 3 xubnood, waxaana diiday 1 xubin ah. Sidaasi ayaa xukuumaddii Riyaalae loogu kordhiyay ilaa 6-da May ee Sannadka 2009-ka.

Sannadkii  2009-kii

M/weyne Daahir Riyaale ayaa soo dalbay muddo kordhin dambe, balse wuxuu si xeeladaysan u soo dhigay muddo kordhin loo sameeyo. Warqaada dalabka ah ee M/weyne Riyaale soo qoray ayuu ku sheegay in la is-waafajiyo xilliga ay guddiga doorashooyinka u qabteen inay doorashadu dhacdo iyo sidii xukuumada sharci kursiga ugu fadhiyi lahayd.

Laakiin golaha guurtida ayaa dalabkaasi kal-fadhi ka yeeshay, waxaana soo xaadiray 79 xubnood ka dib waxa la gudogalay cod u qaadis gacan taaga ah ee muddo kordhinta, 42 xubnood ayaa ogolaaday, 35 xubnoodna way diideen. Sidaasi ayay ku ansaxday muddo kordhintii labaad. Labadaasi goor ee guurtidu u kordhisay M/weyne Daahri Riyaale waxay u cuskadeen qodobka Dastuurka ee 83-aad, firqadiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada oo ay ku sababayeen nabadgeliyo daro awgeed iyo inaanu dalku ku dhicin bilaa dawlad.

Sannadkii  2015-kii

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa guddi u saaray ka soo talo bixinta muddo kordhinta. Guddigani waxa ay ka koobnaayeen 19 xubnood oo ka tirsan Golaha Guurtida. Guddigii waxa ay soo saareen muddo kordhin ka kooban sannad iyo toban bilood, waxaanay toban bilood dheeraysiyeen wakhtigii ay hore u qabteen Guddiga Doorashooyinka Qaranku. Markii golaha la horkeenay wakhtigan muddo kordhinta way ansixiyeen. Waxaanay doorashadu dhacaysaabay yidhaahdeen sannadka 2017-ka bisha Juun. Halka ay Golaha Baarlamaanka u kordhiyeen laba sano. Waxa ay u cuskadeen qodobka Dastuurka ee 83-aad , firqaddiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada. Sidaasi ayey ansax ku noqotay.

Sannadkii  2017-kii

Iyada oo ay saddexda xisbi qaran hore isula gaadheen heshiish dhigaya in lix bilood loo kordhiyo xukuumada madaxweyne Siillaanyo, oo ku dhammaanayso bishii Oktoobar ee sannadka 2017, ayey arrintu u gudbubtay golaha guurtida. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa guddi ka kooban 21 xubnood u saaray muddo kordhin labaad oo loo sameeyo golayaasha Soomaalilaan oo ay dhammaatay muddo-xileedkoodi. 74 mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa u Codeeyay in 9 bilood la kordhiyo mudo Xileedka Madaxweynaha, iyo Madaxweyne ku xigeenka JSL. Yaas oo ka dhigan in Doorashada Madaxtooyada la qabto Bil ka hor Muddo Xileedka Madaxwaynaha Bisha November Isla Sanadkan 2017 ka.

Guddigaasi waxa ay soo saareen arrimahan hoos ku qoran oo ay ku waafaqeen xubnihii golaha guurtidu:

MUDDO KORDHINTA XUKUUMADA IYO GOLOYAASHA QARANKA JSL

1 Xukuumada 28/4/2017 ilaa 13/12/2017
2 Golaha wakiilada 28/4/2017 ilaa 28/4/2019
3 Golaha deegaanka 28/4/2017 ilaa 28/4/2019
4 Golaha guurtida 28/4/2018 ilaa 28/4/2020.

Shir Talo Qaran

In kasta oo aanay weli caddayn inuu dhici doono iyo in kale, haddana shirkani wuxuu u saansaan eegyahay Shir-Beeleedyadii hore looga soo gudbay oo dib loogu noqonaya, iyada oo distoorkii dalka lagaga dhaqmayey yaallo. Xisbiyaduna weli may qeexin nooca shirkani noqonayo, ajandahiisa iyo wuxuu kaga duwan yahay shir-beeleed. Xisbiyada magaca shirkan uga quruxbadnayn inay ugu yeedheen shir Xisbiyada mucaaradka.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

 Calicoomay@hotmail.com

Share Button

You must be logged in to post a comment Login