Xisbiga Waddani oo soo bandhigay ceebaha Xukuumadaha Kulmiye, is casilaadna ku baaqay

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa dhaliilo is barkan u soo jeediyay Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi.

Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo maanta shir jaraa,id ku qabtay Hargeysa ayaa waxlaga xumaado ku tilmaamay in Xukuumada Somaliland mudo laga joogo 17 caano maal ay gurmad ka gashay deegaankii uu dhawaan dagaalku ka dhacay ee koonfurta gobolka Sool , Isagoona Wasiirka arrimaha Gudaha u soo jeediyay in uu xilkaasi iska casilo kadib markii uu sheegay in xilkii loo igmaday uu ku fashilmay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ee talada dalka haysa ay ka muuqato astaamihii hogaamiyaha kaligii taliyaha ah, Isagoona dul istaagey qodobo uu u soo qaatey in qofka kaliga taliyaha ahi uu sameeyo una ah dariiq uu soo maro.

Dhinaca kale Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani ayaa si adag u dhaliilay siyaasada arrimaha dibada ee Xukuumadihii kala danbeeyay ee xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka