Madaxtooyada Soomaaliya oo digniin u dirtay Niccholas Haysom

Muqdisho (Aftahannews) -Madaxtooyada Soomaaaliya ayaa markii ugu horeysay uga digtay xafiiska Qaramada Midoobey Soomaaliya in uu soo fara-galiyo siyaasada arrimaha gudaha.

La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa si lama filaan  bartiisa Twitter-ka ugu soo qorey digniin culus oo ku socoto xafiiska  Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho.

Qoraalka Cabdi Saciid ku soo qoray bartiisa Twitterka ayaa jawaab u ahaa war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Niccholas Haysom oo looga hadlay arrimaha doorashooyada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Qoraalka la taliyaha ayaa u dhigg-naa sida “Ha soo faragelinina arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dabeecadan ma soo dhoweyneyno”ayuu yidhi Cabdi Saciid.

Xafiiska Qaramada Midoobey Soomaaliya ayaa ku baaqay in doorashada guud ahaan maamul gobolleedyada, gaar ahaan Koonfur Galbeed ay u dhacdo si daah furan oo xalaal ah.

Dowladda Federaalka ayaa hore loogu eedeeyay inay faragelin ku heyso  doorashada Koofur Galbeed, iyadoo la sheegay inay taageereyso  Musharaxiin.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa jiray socdaal ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobey Sioomaaliya uu u kala bixinayay xarumaha dowlad gobolleedyada Soomaaliya, isaga oo kulamo kala duwan la qaatay hoggaamiyayaasha maamul gobolleedyada oo ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya, khilaafka jira iyo arrimaha doorashada.

 

Source: Hiiraan Online