Wasiirka Gaadhandhigga Turkiga oo magaalada Muqdisho yimi

Filed under: Wararka |
Muqdisho (Aftahannews) – Wafdi u hoggaaminayo wasiirka gaashandhigga dowladda Turkiga,Hulusi Akar oo ay waheliyaan taliyaha ciidanka xoogga Turkiga iyo saraakiil kale ayaa galinkii dambe ee maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Wasiirka gaashandhigga Turkiga iyo wafdiga uu hoggaaminaya ayaa u yimid Muqdisho sidii loo dardar gelin lahaa taageeradda howlaha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya oo gacan weyn ay ka geysato dowladda Turkiga,sida laga soo xigtay wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA.
Muddada ay wafdigan joogaan Muqdisho, waxaa ay la kulmi doonan mas’uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya oo u ka mid yahay taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya.
Share Button

You must be logged in to post a comment Login