Dalladda SONSAF oo Madaxweynaha Somaliland u Dirtay Baaq Garnaqsi iyo Baraarujin ah

Hargeysa (Aftahannews)- Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF, ayaa Maanta soo saartay Baaq Garnaqsi iyo Xasuusin Axdiyo laysku ogaa ah oo la xidhiidha Doorka Haweenka iyo ka qaybgalka Talada dalka ee uu hore u ballan-qaaday Madaxweynaha dalka Muuse Biixi Cabdi intii aan la dooran ka hor iyo siday Dumarku aanay uga dhex muuqan Xukuumaddiisa iyo Hay’adaha Dawliga ah ee uu Masuuliyiinta Ragga u badan u magacaabo.

Kulanka ay Ururrada Bulshadu isugu yimaaddeen Arbacadii Maanta oo Xarunta SONSAF ee magaalada Hargeysa lagu qabtay, ayaa markii la dersay Cabashada Haweenka, Ballan-qaadyadii Xisbiga Kulmiye iyo Muuse Biixi sameeyeen wakhtigii ololaha iyo weliba Qoraallo ay Madaxda Xisbiyada oo Madaxweyne Biixi ka mid yahay wakhtigii doorashada ka hor saxeexeen iyo weliba Baaqyo iyo Cabashooyin ay Haweenka iyo Ururrada Bulshadu horraantii sannadkan u gudbiyeen, waxay Dalladdu ku baaqday inuu Madaxweyne Biixi dib isugu noqdo, isla markaana tixgeliyo xaqa iyo xuquuqda Siyaasadeed, Shaqo iyo Maamul ee ay Haweenka Reer Somaliland leeyihiin inuu muujiyo.

War-Murtiyeedka laga soo saaray Kulankaas Ururrada Bulshada Somaliland ka soo saareen sida loogaga fadhiyo Madaxweynaha Fulinta Ballanqaadyadaas iyo inay Haweenku helaan waxay Xaqas u leeyihiin, ayaa Nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Warbaahinta aftahannews.com oo uu Guddoomiyaha SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame ku saxeexnaa, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Mudane Madaxweyne, Sida aad ka war qabtid, Haweenka Somaliland waxa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan dhismaha dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed iyo Bulshaba ee Jamhuuriyadda Somaliland, Haweenku waa rukunka ugu wayn ee geeddi socodka Dimuqraadiyadda iyo hanaanka doorashooyinka Somaliland, iyaga oo ah codbixiyayaasha ugu badan ee doorashooyinka Somaliland, hase ahaatee, haweenku marnaba kama helin saamigii ay mudnaayeen xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland.

Wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxa Xisbiga Kulmiye ballan qaaday in haddii Xisbigu ma rlabaad talada dalka ku guulaysto uu xukuumaddiisa ka sin doono 30% Haweenka Somaliland.

Sidoo kale, Mudane Madaxweyne waxaaad taariikhdu markay ahayd 28/12/2015 saxeexday warqad ballanqaad (CommittmentLetter) oo sumaddeedu tahay XK/XGX/00421/52/2015 oo aad ku caddeynayso in 30% Xukuumadaada aad kasiin doono Haweenka Somaliland.

Mudane Madaxweyne markii aad talada dalka ku guulaysatay, waxa ay mar kale Dalladda Haweenka ee NAGAAD kuu soo gudbiyeen warqad rasmi ah oo kutaariikhaysan 3/12/2017 Warqaddaa Haweenka Somaliland waxaay kugu xusuusinayeen ballanqaadkii aad samaysay wakhtigii ololaha doorashada. ,Iyada oo intaas oo ballanqaad ahí jirtay, haddana, Mudane, Madaxweyne Golahaagii wasiirada ee aad ku dhawaaqday bishii December 14, 2017, waxa aad haweenka Somaliland ka siisay laba wasiir iyo hal wasiir ku xigeen oo kaliya.

Ka dib markii aad soo saartay liiska Golahaaga Wasiirada, Mudane madaxweyne, Ururada Bulshada rayidka ah ee Somaliland waxa ay 15 January 2018 kulan ay kuugu yimaadeen Madaxtooyada kaaga codsadeen in aad kaalintooda ka siiso haweenka Somaliland Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Qaranka ee aad magacaabi doonto. Nasiib darro, Mudane Madaxweyne waxa aad magacowday 24 Agaasime guud oo aanay wax haween ah ku jirin.

Intaa wixii ka dambeeyay, Mudane Madaxweyne waxaaad soo saartay digreetooyin madaxweyne oo aad ku magacowday masuuliyiin hay’ado kala duwan sida Guddoomiyayaasha Gobolada, la taliyayaal Madaxweyne, iyo Guddoomiyayaasha /Agaasimayaasha hay’adaha madaxa banaan ee dawliga ah oo dhamaantood aanay haweenku xaqqoodii ay mudnaayeen ka helin.

Ugu dambayn, taariikhdu markay ahayd 16 bisha October, waxaaad Mudane Madaxweyne soo saartay digreeto Madaxweyne oo aad ku magacowday 19 Xil oo aanay haba-yaraatee wax haween ahí ku jirin. Sidaa awgeed, Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ka niyadjabsan yihiin sida ay Haweenka uga maqan yihiin Xukuumaddaada.

Haddaba, Mudane Madaxweyne, Ururada Bulshada Rayidka ahí waxa ay mar kale kuugu baaqayaan in aad Haweenka ka siiso kaalinta ay xaqqa u leeyihiin Xukuumaddaada, adiga oo fulinaya ballan qaadyadii kala dambeeyay ee aad samaysay.” sidaa ayaa lagu yidhi War-Murtiyeedkan aftahannews.com soo gaadhay ee ka soo baxay Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Dalladdaas Anwar Cabdiraxmaan Warsame.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.