Biyo galinta Borama iyo buuntada Camuud + biriishka dunbuluq iyo biyo galinta Hargeysa

Waa waxqabad hadii wixii la magacaabo la dhamaystiro taas oo xoojinaysa kalsoonida dawladnimo. baahida bulshada oo la baahi tiraa waa sunaha iyo curfiga dawladeed. waxase wax laga xishooda ah in camara iyo sawiro lagu muujiyo dhagaxdhig mashruuc oo u eg QAWDA MAQASHII WAXNA HAW QABAN. mataanaha maamuus wadaagle kana maddhan BORAMA VIA HARGEISA. xumbaweyne iyo biriisha dumbuluq +dhamuug iyo biriisha qoorgaab waa leefoo ha liqin.

Doorashada golaha shacbiga iyo ka degaanada 13 jirsaday oo laga warwareego waxay soo afjaraysaa maamul dawladnimo taas bedelkeedu waa in dib looga fikiraa sidii dalka maamul wax qabad oo callaa aqal doorasha qaban karan amniiga sugi kara bulshada midayen kara loo samayen lahaa.axsaabta mucaaridka ee qaranka iyo bulshada rayidka ay tallo midaysan yeeshaan si jiha wareerka looga boxo dalkana aanu si dhibyar ku dhaxalwareegin loona badbaadsho geyiga iyo gobta somaliland.

MARBAAN GARAN WAAYEY GUUSHAYDEE,

GOBAAD MARLAAB GOD KUMA RIDO.

tusaalle gaaban.

Waan ogayen ceelfweyen in mudo dheer colaad sokeeyi ka socday nabaadayen daayoo wasaarada guduhu ku fasilintay maarayen laantii keentay jabhd caare.oday dhaqameedka iyo culimada somaliland baa soo afjaray.

Maanta iyo gobolka sool dhumay dagaal xun oo sokeeye ayaa ka socda mudo dheerna soo jitamayey wax xal nabadayen oo loo hayaa ma jiro wasaarada arimaha guduhuna sidii celafwyen oo kal ayey ugu fashilanty dhaawiciina waxaaba loo qaadday GAALKACAYO.

BADHAN oo sanaag ah waxa ka socda waan ognahay , ciidankeenii qaranka iyo wiilasheenii baa QARDHO la gu carbiyaa si ay dagaal u Galaan (LAFA GEEL IYAGAA LAYSKU JEBIYAA).

TUKA RAQNA waa qadiyada geeska Africa ee bariga dhexe oo kale bartaa dhaafiweyeday. sicir barar iskaga warami mayeno.

DALKEENII WUXU MARAYAA MARXALAD ADAG MARKA RUNTA LA WAA JAHO

MAA DAAMA UU MAAMULKII XILKII LA KUFAY TALAA TAAL. la tirsi dhaliiilaha jira marka la sheego masuuliydu ka weyen hebelbaan u jawaabayaa iyo la tirsi mucaarid waxa tunka kuu saaran baa ka weyen. falaadhi gilgilasho kaagama godo ee waad ku fashilanteen hogaankii dalka yo xilkii iyo amaanadii bulshadu idiin igmatay ee ka xaraga goosta oo bulshada u celiya amaanadooda.

GEYIGA SOMALILAND GUULOOW GARABKOODA QABO.

GUL IYO GOBANIMO SOMALILAND.

XAQ U DIIRIR

MUSA AW HASSAN LODOON

AWDALI DUBAI.