Dagaal Sababay Dhimasho iyo Dhaawac ka Badan 120 Ruux oo ka dhacay Sool, Somaliland oo ka hadashay & Wararkii u dambeeyey

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Laascaanood(Aftahannews)- Ugu yaraan 40 Qof ayaa ku dhintay, in ka badan 80 kalena way ku dhaawacmeen Dagaal laba Beelood Isniintii Maanta ku dhex-maray Koonfurta gobolka Sool ee Somaliland, sida uu BBC-da u xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Cabdule.

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Badhasaabka gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu warkan ka soo xigannay u sheegay in Dagaal Beeleedka maanta ka dhacay deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolkaas ay Dad ka badan 40 Qof ay ku dhinteen dagaalka, halka Dad ka badan 80 Ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyay Cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha gobolka Sool oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da ayaa codsaday in gurmad caafimaad oo degdeg ah la gaadhsiyo Cisbitaalka maadaama ay adeegyada caafimaadka ay gabaabsi ku yihiin Cisbitaalka.

Garaad Jaamac Garaad oo kamid ah waxgaradka halkaasi ayaa ugu baaqay labada dhinac inay joojiyaan colaadda isla markaasna ay ka shaqeeyaan nabadda dadweynaha reer miyiga ah ee tabaaleysan.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in dagaalka uu bilaabmay saaka, wuxuuna socday ilaa galabta, waxaana lagu soo warramaya in labada dhinac ay adeegsanayeen hubka culus ee taangiyada dagaalka.

Dagaallada kusoo noqnoqday deegaanka Dhumay ayaa la sheegay inay ku salaysan yihiin aano qabiil iyo dhul, waxaana dagaallada ka dhacay halkaasi ku dhintay boqolaal dad ah.

Tobban maalmood ka hor ayay ahayd markii heshiis xabad joojin ah ay gaadheen beelaha colaadda isku haya, waxayna arrintaasi ka dambeysay muddo laba bilood ah ay waxgaradka deegaanka u fadhiyeen xallinta dagaalka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.