Xisbiyada Somaliland Maxay Nairobi u Tageen, Maxayse Kala Soo Noqdeen? Xog-warran

Hargeysa(Aftahannews):- Axmed Cabdi Ebyan oo ah Musharrixii Madaxeyne Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa ka warramay ujeeddada Safar Wefti ka socda Xisbiyada Somaliland oo uu Xubin ka ahaa ku tegeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isla markaana kulammo kula soo yeesheen Masuuliyiinta Xisbiyada kala duwan ee dalkaas ka jira.

Prof: Abyan oo Maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahiyey waxyaabaha ay ka soo faa’iideen Safarkaas ee Dan u ah ama u noqon kara Xisbiyada Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin nidaamka dhaqaale-ururinta iyo diiwaangelinta Taageerayaasha Xisbiyada ee joogtada ah iyo qaab kale oo uu muhiim ku tilmaamay.

Waxaannu Musharraxii Madaxweyne Ku-xigeenka UCID Axmed Cabdi Muuse (Ebyan), hadalkiisa iyo faahfaahinta uu bixiyey-ba idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.