Qoys Sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland Dhul ka Qaaday oo Si Adag Warbaahinta uga hadlay

Hargeysa(Aftahannews):- Qoys ku dhaqan goob la sheegay in Madaxtooyo cusub laga dhisayo oo loo rarayo Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegay inay dhulkaas muddo labaatan sano ah isku haysteen Muuse Biixi Cabdi oo hadda ah Madaxweynaha Somaliland, kaasoo ay tilmaameen in markii uu Madaxweynaha noqday ku bilaabay dagaal iyo culays aanay qaadi karin oo uu Ciidammada Millateriga u adeegsaday, waxaanay sheegeen inaanay Dhulkaas dhayal kaga tegayn ee ay ama ku dhiman doonaan ama dhacsan doonaan, mar haddii Cadaaladdu shaqayn wayday.

Xubno ka tirsan Qoyskaas oo Warbaahinta la hadlay maanta iyo marar kala duwan oo hore, ayaa waxaa la garaacay Xubno ay Hooyooyin iyo Dad waayeel ahi ku jiraan, halka qaarkoodna Ciidammadu dhaawaceen, hase-yeeshee, waxay sheegeen inaanay marnaba xoog kasta oo loo adeegsado intay nool yihiin kaga tanaasuli doonin Dhulkooda.

Haddaba, Waxaannu hadalkan Cabashada iyo wax-iska-caabbinta ah ee ay Xubnaha Qoyskan ay Madaxweynaha Somaliland ay dhulka isku haystaan Warbaahinta mariyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.