Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo Madax-dhaqameed Reer Gabiley ah Ku Istaadhay Cabdiraxmaan-Cirro

SALAADDIINTA IYO CUQAASHA REER GABILEY OO XUKUUMADDU KU ISTAADHAY WADDANI 2018
SALAADDIINTA IYO CUQAASHA REER GABILEY OO XUKUUMADDU KU ISTAADHAY WADDANI 2018

Gabiley(Aftahannews):- Xukuumdda Talada Somaliland haysa ee Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa Madax-dhaqameed Reer Gabiley ah ku istaadhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan-Cirro, kaas oo saluug ka muujiyey qaabka loo qaybiyey Deeqaha waxbarasho ee Somaliland sannadkan dalka dibeddiisa ka heshay oo uu tilmaamay inay Gabiley la saami noqotay labada gobol ee Sool iyo Sanaag.

SALAADDIINTA IYO CUQAASHA REER GABILEY OO XUKUUMADDU KU ISTAADHAY WADDANI 2018
SALAADDIINTA IYO CUQAASHA REER GABILEY OO XUKUUMADDU KU ISTAADHAY WADDANI 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Haddaba, Cuqaal, Salaaddiin iyo Odayaal ka tirsan Madaxda Dhaqanka ee gobolka Gabiley oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gabiley oo la sheegay inay Xukuumaddu soo abaabushay, ayaa sheegay inay ka xun yihiin hadalka ka soo yeedhay Cirro ee uu ku naqdiyey qaabka loo qaybiyey saamiga deeqaha Waxbarashada, taas oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Madaxweyne Muuse Biixi-ba hore uga hadleen.

Xubnahan Madax-dhaqameedka ah, ayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Biixi iyo Xukuumaddiisa ugu baaqay inay uga fadhiyaan Saamiga Mashaariicda horumarineed iyo wax-qabad ee uu gobolka Gabiley xaq ugu leeyahay dawladda.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.