Madaxweyne Gaas oo Ka Hadlay Xaaladda Amni ee Soomaaliya iyo arrimo kale

Garoowe(Aftahannews)- Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay muhiimtahay in la beddelo qorshaha lagu raadinayo xasilloonida iyo nabadeynta Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland, oo khudbad ka jeediyay shirka madaxda dowlad-gobolleedyada uga socda Garoowe, wuxuu yidhi “Xaaladda Soomaaliya amniga ma dhowa, waxay u baahantahay fikirka hadda jira ee nabad galyadda in wax laga badalo”.

“Suurtagal maanta ma aha in la yidhaahdo Soomaaliya waxaa jiro 26 kun oo ciidan ah iyo inta oo kale ama ka badan oo AMISOM ah, wax ka yar 7,000 ama 6,000 oo wiilal, oo isleenahay waa laga tiro badanyahay, waa laga taageero badanyahay, waa laga shacbiyad badanyahay, oo awood heysan ay shido ay dalka ka wadaan, oo in badan oo ka mid ah gacanta ku hayaan”. ayuu ku daray hadalkiisa.

Cabdiweli , wuxuu sheegay Puntland inay la-dagaallantay al-Shabaab iyadoo aysan jirin taageero weyn oo dowladda federaalka ay ku siiso dagaalka Puntland.

Khadar Jaamac

Aftahannews.com.