Xidhiidhka FA-gu Muxuu Ka Yidhi Mourinho?

Hargeysa, (Sports/Aftahannews)-Xidhiidh FA-ga dalka England ayaa shaaca ka qaaday in ay go’aan ka gaadhi doonaan Rabshadii ka dhacday garoonka Stamford Bridge kadib markii macalin Jose Mourinho uu isku dayey in uu la dagaalamo mid ka mid ah Ku-xigeenada Macalinka Chelsea.

Afhayeen u hadlay Guddiga anshaxa ee xidhiidhka FA ayaa sheegay in ay dhawrayaan Warbixinta oo soo gudbin doono Garoorihii kulankaas Mike Dean islamarkaana ay dib u daawan doonaan sida wax u dheceen halkaana laga ogaan doono cida qaladka leh.

Wargeyska Sky Sports News ayaa cadeeyey in FA gu ku dhaqmi doonaan oo kaliya war biximta uu isniinta gudbin doono Garsoore Mike Dean taas oo noqon karta mid uu ka yimaado ganaax ama ay ka bad baadaan labada nin ee dagaalantay Ganaax oo la saaro.

Markii ciyaartu dhamaatay Jose Mourinho ayaa Warbaahinta u sheegay in uu qirsanyahay qalad in uu sameeyey islamarkaana uu raali garayn ka bixinayo wixii dhacay taa uu eg in uu lakulmi doono Ganaax adag maadaama aan looga qanci doonin raali garayn.

Khadar Jacayl