Guddoomiye Cirro oo Sheegay in Cadaalad-darro iyo Maamul-xumo ka jiraan Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, ayaa waxa uu sheegay in ay Somaliland ka jirto cadaalad daro iyo maamul-xumo, waxaanu sheegay inay doorashooyinka soo socda guulaysan doonaan, iyaga oo ka faa’iidaysanaya waayo-aragnimada ay ka barteen doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday 2017-kii.

Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay Khudbad uu u jeedinayay Taageerayaasha Xisbigaasi ee ku dhaqan waddanka Ingiriiska, waxaanu uga xog-warramay dib u habayn lagu samaynayo Xisbiga iyo xaaladda dalka, isaga oo iftiimiyey in doorashada Baarlamaanka iyo Golayaasha deegaanku dhici karaan sannad ama sannad iyo badh ka dib, waxaanu midnimo ugu baaqay Taageerayaasha Xisbigaas ee Qurbaha ku dhaqan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.