Ismaaciil Buubaa oo Ka Hadlay Dhismaha Madaxtooyada Cusub iyo Kacdoonka Reer Hargeysa

MUUSE BIIXI IYO ISMAACIIL BUUBAA OO KULMAY 2018 PHOTO FILE
MUUSE BIIXI IYO ISMAACIIL BUUBAA OO KULMAY 2018 PHOTO FILE

Hargeysa(Aftahannews)- Siyaasiga  Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa wax lagu qoslo oo lala yaabo ku tilmaamay Dhismaha Madaxtooyada cusub ee Somaliland ee hawsheeda XUkuumaddu waddo. Waxa kale oo Buubaa ka hadlay qaar ka mid ah Bulshada degmooyinka  Axmed-dhagax,  Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge oo ka horyimid dawladda Hoose ee Hargeysa, waxaanau dawladda dhexe ugu baaqay inay soo dhex gasho Bulshada iyo dawladda hoose ee Hargeysa, inta aanay taladu faraha ka bixin.

MUUSE BIIXI IYO ISMAACIIL BUUBAA OO KULMAY 2018 PHOTO FILE
MUUSE BIIXI IYO ISMAACIIL BUUBAA OO Madaxtooyada KULMAY 2018 PHOTO FILE

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Prof: Ismaaciil Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ka tirsan, oo Wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aannu ka soo xigannay Warkan maanta, ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimada iyo danta ugu jirta Somaliland, wada hadalada Somaliya, iyo sida ugu haboon ee ay Somaliland ku heli karto aqoonsi.

Isagoo ugu horayn ka hadlaya qaar ka mid ah dadka degmooyinka saddexdan degmo ee go’aanka qaatay wuxuu yidhi “Waa arin aad iyo aad xasaasi u ah khatar weyna ah in Magaalo Madaxdii Somaliland gudaheedii in la yidhaahdo cashuur laga bixin maayo, Wadanka intiisi kalena waxay odhanayaan anaguna bixin mayno, Wadankuna markaas afka ayuu dhulka ku dhufanayaa, aniga waxay ila tahay in arinkaasi inta aanay meel xun gaadhin in wax laga qabto, sideedabana Dawladdaha hoose, ha noqoto Dawladda hoose Hargeysa ama meelaha kale, sidii la doonayey uma shaqaynayaan, waxaanad mooda dawladdaha dhexe musuq-maasuqii faraha badnaa ee ka tagnaa in Dawladdihii hoosena ka shidaal qaateen, oo si ka daran bay u shaqaynayaan, oo cashuurta dadka laga qaado, halkii iyaga dib loogu celin lahaa wax dadka faa’iido ugu fadhiya, ayaa  musuq-maasuq iyo arimo badan oo aan loo baahnayn lagu lunsanayaa. Anigu waxaan odhan lahaa Dawladda dhexe arinkaas aad iyo aad ha ugu fiirsato, hana soo dhex gasho waxna ha ka qabato”.

Isagoo ka hadlaya madaxtooyada cusub ee la sheegay in la dhisayo wuxuu yidhi “Waa wax aad loogu qoslo oo loola yaabo ah  in la yidhaahdo  Madaxtooyo cusub baa la dhisayaa, waxaa is weydiin leh ma lacagta laga ururiyo dumarka wadhatooyinka fadhiista, iyo cashuurta laga ururiyo dadka masaakiinta ah ayaa laga dhisayaa, mise waxa la leeyahay cid baa inoo dhisaysa, arintaasi waxay u baahan tahay in waxyaabo fara badan in la ogaado, haddii ay ciddi inoo dhisayso, oo ay Dawladdu leedahay cid baa inoo dhisaysa  waa in laga wada hadlaa meeshii laga dhisi lahaa iyo sidii loo dhisi lahaa, Somalidu waxay odhan jireen mama lulatee maxay leefta, haddii la leeyahay cashuurta dadka danyarta ay ayaa lagu dhisayaa Madaxtooyada iyo Barlamaanka, Askartii wax la siiyo ayaa la yahay, baahiyo iyo baylahyo ka badan oo kale ayaa yaala”.

Isagoo ka hadlaya xaalad uu sheegay inay Somaliland ku jirto wuxuu yidhi “Wakhti  adag baa la joogaa ee wixii dhibaatooyina ee jiray ee tafaaraaruq iyo kala qaybsanaan ahaa in la soo af jaro ayaa loo baahan yahay, oo meel wax looga soo wada jeesto, wakhti badbaado ayaa loo baahan yahay, ee wakhti la is qabqabsado maanta looma baahna, Geeska Afrika is bedelo ayaa ka socda ee waa inaynu is bedeladaasna la jaanqaadna oo aynaan ka hadhin.”