Madaxweyne Biixi Muxuu ka yidhi Magaca Muuse-Handaraab, Dib-u-dhaca Doorashada & Nacaybka Dumarka?

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI OO KA HADLAY NAANAYSTA HANDARAAB
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI OO KA HADLAY NAANAYSTA HANDARAAB

Hargeysa(Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Magaca Suuqa looga yaqaanno ee “Muuse-Handaraab”, dib-u-dhac la fili karo inuu doorashada Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ku yimaaddo, cidda Masuuliyaddeeda leh oo uu Xisbiga Waddani ku eedeeyey, diidmada uu Waddani kalsoonida kagala noqday Guddiga doorashooyinka Somaliland, Sababta 19 oo uu Arbacadii dhawayd xilal u magacaabay Hal Gabadhna ugu soo dari waayey iyo Qodobbo kale.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI OO KA HADLAY NAANAYSTA HANDARAAB
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI OO KA HADLAY NAANAYSTA HANDARAAB

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Muuse Biixi oo Shir Jaraa’id oo su’aalo kala duwanna lagu wediiyey Sabtidii maanta ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa, waxa uu ka hadlay deeqo waxbarasho oo Somaliland dibedda ka heshay oo uu sheegay in si fiican oo cadaalad ah loo qaybiyey, isla markaana Xisbiyada iyo Xubno Bulshada ka tirsan oo dhalliilay looga baahnaa inay Wasaaradda Waxbarashada Masuuliyiinteeda hor-fadhiistaan intaanay Warbaahinta ka hadal.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Biixi ku dooday inay sharci-darro tahay inay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ku baaqaan Shir-beeleedyo, iyaga oo Cod Shacab ku fadhiya oo dalka Hoggaamintiisa doonaya amaba u tartamay.

Madaxweyne Biixi oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlaya, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.