Dhacdo Murugo Badan oo Ka Dhacday Dalka Shiinaha

Aftahannews – Nin 34 jir ah oo ka soo jeeda magaalada Lodi ee gobolka Hunan ee dalka Shiinaha, ayaa la waayay, 12 maalmood kadib ayaa gaarigiisa laga helay webi agtiisa, laakiin, wax meyd ah dushiisa lagama helin.

Jariidada “AsiaOne“, ayaa sheegtay in aabaha wiilka dhalay uu gabadhii uu  qabay uu ku eedeeyay iney ka dambeysay dhimashada wiilkiisa, maadama daymo badan oo dhanka caymiska ah ay ku uruurtay, waxa uu ku eedeeyay iney si khaldan biilka u kharash garaynaysay isla markaana aaney shaqeyn si ay ninkeeda ay u garab istaagto.

October 10, bishan aan ku jirno, ayaa gabadhii ay dishay caruurtii iyaduna ay israacisay, iyadoo markaa aaminsaneyd inuu ninkeedii geeriyooday, warqad dardaaran ah oo ay reebtay ayay ku sheegtay inaaney wax dambi ah lahayn oo aaney wax lug ah ku lahayn geerida ninkeeda, waxey tilmaantay in ay aad uga taxadari jirtay wax bixinteeda biilkana ay tashiili jirtay, sababta ay u shaqeyn weydayna ay ahayd iney caruur yaryar haysato, waxey xustay iney odaygeeda jeclayd, sababta ay isku dilaysaana ay tahay iney dooneyso  in qoysku ay dhammeystirmaan geerida kadib.

Ninkii markii uu dhacdadii maqlay, ayuu booliska isku dhiibay, waxaa caddaatay inuu dayn farabadan oo gaarsiisan 100-kun oo Yuan (14,500 oo dolar) lagu yeeshay, waxa uu goostay inuu qoyskiisa lacag u soo dhiciyo, waxa uu ku jiray caymis hal-milyan oo Yuan(lacago 145kun oo dolar ku dhow) ah oo marka uu dhinto kadib caruurtu ay helayaan, lacagahaas ayuu doonayay iney xaaskiisu hesho, laakiin; waxaa waxwalba ku ciyaaray inaanuu la socodsiin qorshihiisa.

Ninkan ayaa la qabtay, sida muuqata dambi dil ku saabsan laguma soo oogayo, waa dhacdo ku lug leh xeeladaysi dhanka caymiska ah, waxaa kale oo aan lagu eedayn karin dhimasha xaaskiisa iyo caruurtiisa, maadama aanuu si toos ah ugu lug lahayn dhimashooda.

Khadar-Jacayl

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.