Haweenaydii ugu horeysay oo Somali-Belgium ah oo ku guuleysatay golaha Deegaanka ee magaalada Leuven

Hargeysa (Aftahannews) – Sahra Maxamed Khalif oo 21 jir ah ayaa ku guuleystay xubin golaha deegaanka ee magaalada Leuven ee dalka Belgium ka dib markii ay heshay cod gaadhaya 772.

Sahra oo ka sharaxneyd xisbiga u janjeedha garab bidix ee loo yaqaano Belgian Socialist Party (SPA) oo ka mid ah axsaabta ugu waaweyn dalka Belgiumka.

Waa markii ugu horeysay taariikhda dalka Beligium oo shaqsi ka soo jeeda dalka Soomaaliya loo doorto xil.

Sahra Maxamed Khalif waa gabadh da’ yar dhigatana Jaamacadda magalaada Leuven gaar ahaan culuumta adduunka (International Studies) ayaa ah shaqsi mustabla wanaagsan ku leh siyaasadda dalka Belgium.

Labada waalid ee dhalay Sahra Maxamed Khalif oo kala aha Jamiila Subeyr (Ramlah) iyo Capt. Cusmaan Maxamed  ayaa aad ugu farxay dadaalka iyo hurumarka siyaasadeed ee ay gaadhay Sahra.

 “Aad ayaan ugu faraxsanahay in gabadheyda Sahra ay ku biirto siyaasadda ayada waliba da’ yar.” Ayeey tidhi Jamiila Suber.

Doorashadaan ayaa waxaa ka qayb-galay ilaa iyo todoba (7) xisbi. Ciddii ku guuleysto ayaa jagadaan hayndoonto muddo lix (6) sanno ah.

Bishaan Oktoobar bilowgeedii ayaa Leyla Cali Cilmi oo ah gabadh Somali-Swedish ku guuleystay xubinnimada baarlamaanka dalka Sweden.