Dowladda Soomaaliya oo Taageero u Muujisay Sacuudiga

Muqdisho(Aftahannews)- Dowladda Soomaaliya ayaa taageero u muujisay dowladda Sacuudiga iyada oo sheegtay inay ku garab istaageyso ilaalinta danaheeda dhaqaale.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yidhi “Waxa ay soo cusbooneysiineysaa mowqifkeeda aan ka laba-labeynta laheyn ee ay ku taageereyso xasilloonida iyo qaranimada dowlahada carabta, Waxaanay shaacineysaa in ay si buuxda u garab-taagan tahay dalka Boqortooyada Sacuudiga ee aannu walaalaha nahay”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan isgarab-taag uga muujineyna cid walba oo isku dayda in ay wax u dhinto oo ay xumeyso dhibna gaadhsiiso kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale”

Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay “In ay adkeyneyso lagama-maarmaannimada in laga fogaado dhagarta iyo ololaha ujeeddeysan ee lagu bartilmaameedsanayo Sacuudiga”

Dowladda Soomaaliya ayaa hore Sacuudiga taageero ugu muujisay marar ay is-qabteen dalalka Sweden, Iran iyo dalka Canada oo ugu dambeeyey.

Taageeradan cusub ayaa imaneysa xilli Sacuudiga ay wajahayaan cadaadis caalami ah iyo toddobaad kadib markii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu boqoday magaalada Riyadh oo uu kula kulmay madaxda dalkaas.