Fannaanka 50 Cent oo Ka Hadlay Cadaalad-darro lagula Kacay Feedhyahan Muslim ah

Hargeysa, (Sports/Aftahannews)-Heesaaga caanka ah ee u dhashay waddanka Maraykanka ee 50 Cent ayaa sheegay in caddaalad darro lagu sameeyey feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ciyaartii feedhka ahayd ee uu dhulka ugu tuuray Conor McGregor.

50 Cent waxa uu ka dalbaday Khabib inuu la ciyaaro feedh ka tirsan tartanka Bellator MMA, isla markaana uu siin doono lacag dhan 2 milyan oo ah intii uu ka helay ciyaartii McGregor.

Khabib ayaa la ganaaxay markii uu sameeyey anshax darro guushii uu ka gaadhay Conor McGregor kaddib, waxaase war uu saxaafadda siiyey uu ku sheegay in la caayey diintiisa Islaamka, dalkiisa Ruushka iyo aabbihii, isla markaana intii ciyaartu socotay uu gacan yaraha McGregor ee Dillion Danis uu aflagaadaynayey.

Dhacdadan muranka badan dhalisay oo sababtay in si kooban looga xayiro ciyaaraha UFC labada feedhyahanba, ayaa waxa uu Khabib garab weyn ka helay 50 Cent oo ugu baaqay inay labadoodu wada ciyaaraan ciyaar feedh ah oo aanay shaqo ku lahayn xidhiidhka UFC.

 

Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Instagra, ayaa waxa uu 50 Cent ku yidhi: “Waxa aan kusiin doonaa laba milyan caawa haddii aad ila dagaallanto Bellator. Aniga ayaa meel saari doona Dana (Madaxweynaha UFC) iyo heshiiskaagaba. UFC maaha ciyaaraha kaliya ee magaaladan laga dheelo. Zubaira (Khabib gacan yihiisa) sidoo kale waanu soo dhoweyn doonaa.”

Khabib Nurmagomedov ayaa uga jawaabay 50 Cent farriinta, waxaana uu si kooban ugu yidhi qoraal kooban: “Goobta oo kaliya iisoo sheeg.”

Waxa markaas kaddib hadalka kusoo laabtay 50 Cent oo u sheegay in arrintu ay dhab ka tahay, diyaarna uu u yahay inuu la feedhtamo.

Lama sheegin in Khabib uu ogolaan doono inuu heesaagan la feedhtamo iyo in kale, hase yeeshee waxa uu xiisaynayaa inuu dagaalkiisa ugu horreeya la galo ninka caanka ah ee Floyd Mayweather oo sannadkii hore  garaacay McGregor.

Ballantii Floyd Mayweather

Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa kaddib guushii weynayd ee uu ka gaadhay ninkii aflagaadeeyey diinta Islaamka ee Conor McGregor, waxa uu dalbaday inuu la ciyaaro ninka aan weligii dhinaciisa dhulka la dhigin ee Floyd Mayweather oo u dhashay waddanka Maraykanka.

Khabib ayaa waxa uu tilmaamay in uu doonayo in uu la ciyaaro qof kasta oo kasoo badiyey ninka uu sida xun u bahdilay ee Conor McGregor, isla markaana uu kusoo guuleysto halkii lagaga badiyey McGregor, si uu u tuso inuu yahay libaax aanay cidi soo garab istaagi karin.

Khabib oo ay da’diisu tahay 30 jir, toddobaadkii horena wareeggii afraad ku garaacay McGregor oo maalmo ka hor aflagaaddo u geystay Diinta Islaamka ayaa waxa uu tibaaxay inuu doonayo inuu la ciyaaro Floyd Mayweather oo ay da’diisu tahay 41 jir, hase yeeshee 50 jeer oo uu feedhtamay aan hal mar laga badinin.