Boqortooyada Sucuudiga Oo Lacag Ku Bixinaysa Man.United, Xilli Dalal Islaam Ah Macaluul Ka Jirto

Hargeysa, (Sports/Aftahannews)-Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa doonaysa inay iibsato naadiga ugu weyn waddanka Ingiriiska ee Manchester United, kaas oo ay mulkilaheeda usoo bandhigeen lacag madax wareer ah.

Sucuudiga oo maalgelin badan ku sameeyey meelo badan oo adduunka ah, ayaa amiirka da’da yar ee Mohammad bin Salman oo qoyskiisu uu haysto lacag ka badan 850 bilyan oo Gini, waxa uu doonayaa in hantidooda ay noqoto Manchester United, isla markaana ay dhinaca kubadda cagta kala barbarreeyaan Imaaraadka Carabta oo hore u iibsaday Manchester City oo ay deris yihiin United.

Sida uu qoray wargeyska The Sun ee ka soo baxa UK, qoyska iska leh Manchester United ee Glazer family oo u dhashay waddanka Maraykanka ayaa dhegaysanaya warka uga yimid Sucuudiga, waxaanay dejinayaan lacagta ay ku iibin karayaan oo aan ka yaraan doonin £3 bilyan oo Gini.

Lama filayo in Sucuudigu uu hadal ka keeno lacagta saddexda bilyan ah ee lagu xidhi doono, waxaanay isla markaana gacanta ka saari doonaan qoyska reer Glazer lacagta oo Jeeg ah.

Sucuudiga ayaa hore maalgelin ugu sameeyey ciyaaraha baratanka baabuurta dheeraysa ee F1 iyo legdinta Musaaricada WWE oo bandhiggii abid ugu weynaa sannadkan lagu qabtay dalkaas, bisha dambe ee November na lagu qaban doono ciyaaro kale, hase yeeshee caqabadda ugu weyn ee kubadda cagta ka hor istaagaysa Sucuudiga ayaa ah xayiraadda ay kusoo rogeen telefishanka beIN SPORTS ee laga leeyahay dalka ay deriska yihiin ee Qatar oo ay cuno-qatayn kusoo rogeen sannadkii hore.

Ceeb weyn ayaa Sucuudiga usoo hoyatay sannadkan markii telefishanka BeoutQ oo ay iska leeyihiin ay si xatooyo ah u baahisay ciyaaro ka socday telefishanka beIN SPORTS waxaanay ahaayeen kulamo ka tirsan horyaalka Premier League, taas oo kaambayn dunida oo dhan ay gashay kaddib laga saaray gebi ahaan telefishankaasba hawada.

Iibsiga Manchester United waxay warbixin weyn u tahay dagaalka siyaaadeed iyo dhaqaale ee u dhexeeya daalka gacanka, hase yeeshee Mulkiileyaasha qoyska ah ayaa laga yaabaa inay doortaan in aanay wada iibinin ee qayb saamiga ka mid ah ay ka xaraashaan Sucuudiga.

Avram Glazer oo ka mid ah qoyska, saami badana leh ayaa bilihii ugu dambeeyey waxa uu joogay Sucuudiga, taas oo loo qaatay inuu xukuumadda Riyadh kala xaajoonayey sidii ay u iibsan lahaayeen, waxaanu ka qayb-geli doonaa shirka Maalgashiga ee lagu qaban doono dalkaas oo dalal badan oo Maraykanku ku jiro la filayo in aanay ka qayb-gelin kaddib xiisaddii ka dhalatay wariye lagu waayey Turkey.

Untied waxay hore iskaashi ula lahayd Maamulka ciyaaraha dalka Sucuudiga oo ay kala shaqayn jirtay sidii loo loo horumarin lahaa ciyaaraha Sucuudiga, iyadoo qayb weyna ay ka tahay qorshaha isbeddelka iyo horumarinta ciyaaraha ee 2030-ka.

Sannadkii 2005 ayaa ay qoyska Glazer Family iibsadeen Manchester United, waxaana damaca Sucuudigu uu soo afjari doonaa muddo 13 sannadood ah oo looga arriminayey dalka Maraykanka.