Bixitaanka Messi Ee Barcelona Iyo Jihadda Premier League

Hargeysa, (Sports/Aftahannews)-Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in kabtanka kooxda Barcelona Lionel Messi uu ka tagai doono kooxda kadib mudo uu soo joogay.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday inuu xiddiga kooxda Barcelona ahna halyeeyga iyo gool dhaliyaha taariikhiga ah ee Lionel Messi uu shaaciyay wakhtiga uu ka tagi doono kooxda Barcelona iyo waliba kooxda uu ku biiri doono.

Sida laga soo xigtay wargayska Kabtanka kooxda Barcelona oo 31 jir ah ayaa go,aansaday in uu isaga tago kooxda Barcelona mara uu dhamaado heshiiskiisa sannadka 2020 markaas oo uu dookh u haysto in uu doorto kooxda uu doono.

Xiddiga reer Argentine ayaa lagu soo waramayaa in uu go,aansaday in uu ku biiro kooxdiisii hore ee reer Argentine ee Newell’s Old Boys.

Wargayska ayaa intaas ku daray in uu Lionel Messi ku biiri karo kooxo kale oo reer yurub ah hadii uuna ku laaban kooxdiisii hore iyada oo ay kooxahaas ugu horeeyaan kuwa Premier league.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona haatanba xiddigaha Antoine Griezmann,Paulo Dybala iyo Mohamed Salah u calaamsadeen midka ay badalka tooska ah uga dhigi doonaan.

Khadar Jacayl