Hadba in cid, Meesiga lagu Tijaabiyo Dawladnimadaa Ina Faraysa..” Fihima Yusuf Quunje

“Ugu horeyn waxaan u mahadcelinayaa, shacabka reer Somaliland, gaar ahaan shacabka gobolka Sool, mahadcelintaasi kadib.

Shacabka ku dhaqan caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood, waxay xaq u leeyihiin in ay addeegayaashii ay aamineen ee dirsandeen u addeegaan oo gutaan waajibaadkii loo doortay.

Laascaanood waxay u baahan tahay, Maayar u addeega, waxay u baahan tahay hoggaamin ay kula tartanto magaalooyinka dhiggeeda ah,

Waxay u baahan tahay cid u dhibirsan oo la dareen ah dadweynaha, waxay u baahan tahay cid ogol in la’la xisaabtamo, waxay u baahan tahay cid lagaga daydo xilkasnimo oo tusaale u noqon karta jiilka naga dambeeya.

Run ahaan in xildhibaanada golaha deegaanka Laascaanood ee anigu aan kamidka ahay intaa ka badan ma eegan karo jihayn la,aanta, fadhiidnimada iyo horusocod li’ida aan kasii-daris maahane kasoo raynba lahayn.
Masuuliyad ayaa naga saaran gudashada waajibaadkii shacabku noo doorteen, isla xisaabtankuna wuxuu sal u yahay hufnaanta iyo hoggaaminta wanaagsan.

Waxaan qabaa, in ay dawlanimada milgaheedu ku dhisan yahay in hadba cidii ku haboon meesigaa lagu tijaabiyo.

Maayarnimadu maaha jago u gaar ah amma ay xaq u leeyihiin hadba cidii la jaal ah amma taabacsan Xisbiga talada dalka haya.

Xukuumadda waxaan leeyahay, Magaaladani waxay muraayad iyo xabagba u tahay qaranimada iyo wadajirka ummaddan, uma baahna u kala abtirin uma baahna kala xisbiyeyn loogu qaybsho mucaarad iyo muxaafid .

Ka haween ahaan anigu waxaan aaminsanahay dalka iyo horumarkiisa iyo u addeegista shacabka inaanu cidkasta uga lixijeclo badanahay, waana sababta aan uga midd ahay inta doonaysa in meesiga lagu tijaabiyo amma aan ugu taaganahay inaan helo Laascaanooda maanta midd ka qiimo badan, laascaanood la-majeerto oo aan tusaale u noqon dib u dhaca iyo maamul xumada.

Maalinta Arbacada haddii Alle idmo waxaa xildhibaanada golaha deegaanku, shacabka iyo degmadaba u kala doori doonaan inay qayrkood kadaba tagaan oo hiigsadaan iyo inay ka hadhaan.

Allaah Mahad leh.

Fihima Yusuf Quunje