Juventus Iyo Garoon Faruuq Ah Ku Ciyaaraysa Iyo Racfaan Didmo Laga Muujiyey

Hargeysa, (Sports/Aftahannews)-Kooxda kubada Cagta Juventus ayaa ku Guuldarasatay Racfaan ay ka qaadatay Ganaax laga saaray Garoonkeeda kaas oo ay ku ciyaari doonaan isaga oo faaruq ah.

Xidhiidhka kubbadda Cagta Talyaaniga ayaa Juventus ku ganaaxay in ay ku ciyaarto Garoonkeeda hal kulan iyadoo aanay soo geli doonin wax Taageerayaal ah sidoo kale Juventus waxaa lagu Ganaaxay in ay bixiyaan lacag fara badan.

Juventus ayaa lagu eedeeyey in Taageerayaasheedu ku dhawaaqayeen hadalo Cunsuriyad ah intii ay socotay ciyaartii ay la ciyaareen kooxda Napoli sidaa daraadeed waxa lagu Ganaaxay in ay hal kulan ku ciyaaraan Garoonkooda oo albaabada loo laabay.

Khadar Jacayl