Siday u Dhacday Munaasibadda Saxeexa Ballaadhinta Dekedda Berbera ee Somaliland iyo Dp World?

MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO GUDDOOMIYAHA DP WORLD OO HADYAD KALA GUDDOOMAY 2018
MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO GUDDOOMIYAHA DP WORLD OO HADYAD KALA GUDDOOMAY 2018

Hargeysa(Aftahannews):- Munaasibaddan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland ee magaalada hargeysa, ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey bilowga dib-u-ballaadhinta dekedda Berbera oo ay labadii sano ee u dambaeeyey maamulaysay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo ay Somaliland 2016kii la gashay heshiis soconaya muddo soddon sano ah. Waxaana lagu kala saxeexday qandaraaska dhismaha ballaadhinta dekedda oo dhan afar boqol oo mitir oo socon doona muddo 24 bilood ama laba sannadood ah, sida goobta laga sheegay.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO GUDDOOMIYAHA DP WORLD OO HADYAD KALA GUDDOOMAY 2018
MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO GUDDOOMIYAHA DP WORLD OO HADYAD KALA GUDDOOMAY 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa Munaasibaddaa hadallo ka jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Shirkadda DP World Berbera Suldan Axmed Bin Sulayem. Waxaana goob-joog ka ahaa oo ka qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan-Saylici, Madaxweynihii hore Axmed-Siilaanyo,, Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee koowaad iyo saddexaad, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Shir-guddoonka Golayaasha Baarlamaanka. Wasiirrada Xukuumadda, Xubno Xisbiyada UCID iyo Kulmiye ka tirsan, Masuuliyiin iyo Saraakiil ka socday Dalalka Somaliland taageera, Imaaraadka Carabta iyo Martisharaf kale.

Guddoomiyaha shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Sulayem oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa shaaciyey in la gaadhay waqtigii la bilaabi lahaa ballaadhinta dekedda Berbera, isaga oo ku dheeraaday taariikhda guunka ah ee marsada Berbera iyo sida ay abidkeedba halbowlaha ugu ahayd ganacsiga geeska, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Tani waa maalin gaar ah, waa maalintii aynu shaqada bilaabi lahayn, waana maalintii aynnu sugaynay, shalayna waxa ay ahayd maalintii dhagax-dhigga, dekedda Berbera. Marsada Berbera waxa ay muhiim u ahaan jirtey isu socodka badaha qarniyo badan, maantana waxa aynnu si rasmi ah u saxeexaynaa qandaraaskii, qandaraasluhuna waxa uu bilaabi doonaa shaqadii.”

Guddoomiyaha shirkadda DP World oo hadalkiisa wata, ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin sidii ay Berbera u noqon lahayd marso caalami ah oo wax weyn ka tarta isu socodka ganacsi ee Geeska Afrika, “Aad iyo aad baannu ugu faraxsannahay oo aannu ugu niyadsannahay inay Berbera kusoo biirto dhawr iyo toddobaatanka dekedood ee aannu maalgelinno oo aannu marag ka noqonno inay shaqadu bilaabanto, mar haddii shaqadii bilaabantayna joogsan mayso, ujeeddadayaduna waa inaannu abuurno mashruuc ganacsiyeed badeed oo muhiim ah oo geeska Afrika ah,” ayuu yidhi guddoomiyaha shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Sulayem.

Guddoomiyuhu waxa uu si weyn u ammaanay ammaanka iyo nabadda ka hirgashay geyiga Somaliland oo ku tilmaamay tallaabo soo jiidatay bulshada caalamka, isaga oo shacabka reer Somaliland-na ugu baaqay inay u midoobaan horumarkooda iyo midnimadooda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hor intii aannu saxeexa qandaraaska Marsada Berbera dhicin Khudbad Luuuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga isugu jira halkaas ka jeediyey, ayaa tilmaamay inuu heshiiskan bar bilow u yahay hayaanka dheer ee ay dekedda Berberi ugu jirto sidii u quudin lahad dalalka aan dekedaha lahayn ee qaaradda Afrika ku yaalla, isla markaana waxa uu u mahadnaqay DP World iyo Imaaraadka oo uu sheegay inay ku dhiirradeen wax wanaagsan, iyaga oo ka dhego-adaygay baaqyada ka dhanka ahaa heshiiskan ee ka soo yeedhayey Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Mudne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si cad u sheegay inuu socon doono horumarka Somaliland, dunida lasii macaamili doonto, isaga oo Soomaaliya-na ugu baaqay inay ka dheeraadaan hadallada colaadda iyo kala fogaanshaha keeni kara.

Bilowga ballaadhinta Dekedda Berbera iyo saxeexa qandaraaska bilowga hawsha, ayaa daba socda heshiis ay xukuumadda Somaliland laba sano ka hor la gashay shirkadda DP World oo lagu wareejiyey Maamulka Dekedda kawda bishii Maarso 2017-kii, taasoo wejigeeda koowaad noqon doono 400M (Afar boqol oo mitir), waxaana munaasabaddan shirkadda DP World, Somaliland iyo shirkadda Shafa Al Nahda ee qandaraaska Ballaadhinta dekedda Berbera ku guulaysatay kala saxeexdeen qandaraaskii dhismaha ballaadhinta dekedda Berbera.

Haddaba, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi oo SOMNEWSTV wax ka weydiiyey Shirkaddaasi sida ay Qandaraaska u heshay iyo in Somaliland laga waayey cid hawshaas fulin karta waxa uu ku jawaabay.

Mar Siciid aan weydiiyey ina afarta boqol ee Mitir ee lagu kordhinayaa yihiin Deked cusub iyo intii hore uun wax lagu kordhinayo, waxa uu ku jawaabay. Warbixinta oo dhammaystiran ka daawo Muuqaalkan hoose:-

aftahaninc@gmial.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.