Daawo Sawirrada Bilicda Koobsaday ee Munaasibaddii DP World iyo Somaliland ee Ballaadhinta Dekedda

SAWIRRADA DP WORLD IYO SOMALILAND MADAXTOOYADA 2018
SAWIRRADA DP WORLD IYO SOMALILAND MADAXTOOYADA 2018

Hargeysa(Aftahannews):- Munaasibaddan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland ee magaalada hargeysa, ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey bilowga dib-u-ballaadhinta dekedda Berbera  oo ay labadii sano ee u dambaeeyey maamulaysay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo ay Somaliland 2016kii la gashay heshiis soconaya muddo soddon sano ah. Waxaana lagu kala saxeexday qandaraaska dhismaha ballaadhinta dekedda oo dhan afar boqol oo mitir oo socon doona muddo 24 bilood ama laba sannadood ah, sida goobta laga sheegay.

SAWIRRADA DP WORLD IYO SOMALILAND MADAXTOOYADA 2018
SAWIRRADA DP WORLD IYO SOMALILAND MADAXTOOYADA 2018
SOMALILAND IYO DP WORLD XAFLADDA MADAXTOOYADA 2018
SOMALILAND IYO DP WORLD XAFLADDA MADAXTOOYADA 2018

Waxaa Munaasibaddaa hadallo ka jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Shirkadda DP World Berbera Suldan Axmed Bin Sulayem. Waxaana goob-joog ka ahaa oo ka qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan-Saylici, Madaxweynihii hore Axmed-Siilaanyo,, Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee koowaad iyo saddexaad, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Shir-guddoonka Golayaasha Baarlamaanka. Wasiirrada Xukuumadda, Xubno Xisbiyada UCID iyo Kulmiye  ka tirsan, Masuuliyiin iyo Saraakiil ka socday Dalalka Somaliland taageera, Imaaraadka Carabta iyo Martisharaf kale.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.