Maalqabeenka Ugu Da’yar Afrika Oo La Afduubay

Hargeysa, (Aftahannews)- Taajirka ugu da’yar Afrika  ayaa niman wajiga duuban, waxaa ay ka afduubteen hoteel ku yaalla magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Booliska oo xaqiijiyay afduubka ayaa sheegay  Maxamed Dewji oo 43 jir in si qasab ah looga ka xeystay qaybtiga jimicsiga ee hoteel uu marka ku sugnaa , waxaana afduubka lala xidhiidhiyey laba ruux oo ajanabi ah.

Ilaa hadda ma cadda ujeeddada laga leeyahay afduubka Maxamed Dewji  oo lagu sheegay inuu yahay ninka ugu da’yar taajiriinta Afrika, iyadoo afduubkiisa loo xidhay saddex ruux.

 

Dewji oo ganacsade ah ayaa hadda hantidiisa lagu qiyaasay ku dhawaad 2 bilyan oo doollarka Maraykanka ah ayaa sidoo kale ah bilyanaarka kaliya ee ka soo jeeda dalka Tanzania, sida ay baahisay jariidadda dadka ladan ka faaloota ee Forbes.