Ciyaaryahan Been Abuur Ka Sameeyey Juventus

Hargeysa, (Sports/Aftahannews)-Mid ka mid ah ciyaartoyda ka ciyaarta Horyaalka dalka Mexico,ayaa sameeyey sheeko layaab leh kadib markii uu bartiisa bulshada ka faafiyey Sawiro kuujinaya isaga oo xidhan Funaanada ay ku ciyaarto Juventus isaga oo ku qoray in uu kooxdaas ku biirey oo uu weliba Tijaabo Caafimaad u maray.

Dionicio Farid Rodriguez waa ciyaaryahan u ciyaara kooxda Lobos ee dalkiisa waxa uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in uu u wareegay Juventus Talyaaniga iyada oo ay aad ula yaabeen saaxiibo badan oo ku leeyahay Twitter-ka.

Juventus ayaa durbadiiba beenisey sheegashada Dionicio Farid Rodriguez iyaga oo sheegay in aannu aqoonba u lahayn islamarkaana aysan weligood dalban ugu danbeyn ayuu ka saaray warkii bartiisa raali garayna ka bixiyey.

Ciyaaryahanka ayaa lasheegay in uu ahaa Taageere Juventus isla Markaana uu ku riyoodey isaga oo kooxdaas u ciyaara sidaa daraadeed ayuu u sheegay beenta waxaana uu doonayey in soo jeediyo indhaha kooxda talyaaniga ee Juventus.

Khadar Jacayl