Maxaad Kala Socotaa Shaqsiyaad Qaab Sharciga Hay’adda Shaqaalaha Baalmarsan Dawladda ugu Shaqeeya?

SHARMAARKE GEELLE IYO XASAN FAARAX QAMAAM
SHARMAARKE GEELLE IYO XASAN FAARAX QAMAAM

Hargeysa(Aftahannews):- Inkastoo Muddo Sanad Ku Dhow Ay hay’adaha shaqaalaha dawlada Somaliland Waday Shaqo aad u culus oo Lagu Tirakoobayo Shaqaalaha Dawlada Somaliland, Haddana Wali Waxa jira Shaqsiyaad Ceeb Ku Ah Qaranimada Somaliland Oo Sifooyin Bar madow ku ah Sharciyada hay’ada Shaqaalaha Dawlada Saddax Mushahar uga Qaatar Saddex Wasaaradood oo kala Duwan.

SHARMAARKE GEELLE IYO XASAN FAARAX QAMAAM
SHARMAARKE GEELLE IYO XASAN FAARAX QAMAAM

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Inkasta Oo Dadaalka Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Soo Wadday Wakhtigaasi Aadka U Badan Oo Ay Kusoo Samaysay Dhammanba Gobolada iyo Dagmooyinka Dalka Shaqaalaha ka hawlgala , Haddana wali Waxa  jira Shaqsiyaad Kooban Sifooyin ka baxsan Nidaamka dawladnimo Lacago Xaaraan ka Qaata Hay’ado Kala Duwan oo Qaranka ah.

Xassan Faarax Qamaam Waxaa uu Sifooyin Baalmarsan Sharciyadii iyo Kala Sifayntii Shaqaalada Dawlada uu Saddex Wasaaradood Mushahar kagaga Qaataa Wasaaradaha kala Ah.

1-Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi Galinta Somaliland

2-Wasaarada Arrimaha Dibeda & Iskaashiga Caalamiga ah Somaliland

3-Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland.

Saddexdaasi Wasaaradoodba Waa Shaqaale Si Dadban uga Tirsan ugana Mushahar Qaata,

Su’aasha Bulshadu is Waydiinayso Ayaa Ah iyadoo Kumanaan Qof oo Aqoonyahankii Jaamacadaha Dalka Kasoo baxay Joogaan Oo Shaqo La’aan ay ugu biirtay Rajo beel ay ka rajo dhigeen In maruun Ay kamid Noqdaan Shaqaalaha Dawlada Ayaa haddana Waxa Jira Shaqsiyaadkan Fadeexada Ku ah Nidaamkii dawladnimada Suuban.

Laguma Xulan Aqoon iyo Karti uu Eebe siiyey iyo Awood uu Dadka Kale dheer yahay.

Lama Odhan karo Waxaa u Suuro galisay baahi ay u Qabaan Saddexdaa Hay’adood ee kala duwani,

Waxaase layaab leh Waxa U Suuro galiyey Waxa Ay Tahay.

Ma Sifo Reernimo iyo Qabyaaladbaa?

Ma Eex iyo Qaraabo Kiilbaa?

Ma Karti Aan Bulshada Kale la Qabinba?

Mise Nidaamkii Qaranka iyo Qorshihii Shaqaalada Dawlada Ayaa Wax ka Qaldan yihiin?

Iswaydiinta Su’aalahan Oo dhami Waa Kuwo laga Dhursugayo Talaabada Ay Ka Qaadan Doonaan Hay’adaha Ku Shaqada leh ee Ay Khusayso Arrintani.

Haddii aan Arrimaha Noocaas ah Si Degdeg Wax Looga Qabana Waxay keeni Doonaan Fashil siyaasadeed oo Ku yimaada Qorshihii iyo hadaladii Cadcadaa ee Madaxweyne Biixi uu kusoo Dhisay Dawladiisa in Sharcigu Shaqayn Doono islamarkaana aaney jiri Doonin isku Dul Noolaasho bulshada Somaliland Qaarna Ay Saddex Meelood ka Mushahar Qaataan Qaarna ay Gidaarada Joogaan..

Xigasho Wajaalenews.net.