Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Denmark ee Soomaaliya Maxay ka Wadahadleen?

MADAXWEYNE BIIXI IYO SAFIIRKA DENMAR U FADHIDA SOOMAALIYA OO KULMAY
MADAXWEYNE BIIXI IYO SAFIIRKA DENMAR U FADHIDA SOOMAALIYA OO KULMAY

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay Wefti ay hoggaaminayso Safiirka Denmark u qaabbilsan Soomaaliya Amb. Mette Knudsen, ka dib markii ay booqasho ku yimaaddeen Somaliland, gaar ahaan Hargeysa.

MADAXWEYNE BIIXI IYO SAFIIRKA DENMAR U FADHIDA SOOMAALIYA OO KULMAY
MADAXWEYNE BIIXI IYO SAFIIRKA DENMAR U FADHIDA SOOMAALIYA OO KULMAY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

War-Saxaafadeed Qoraal ah oo ka soo baxay Caawa Madaxtooyada Somaliland oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay aftahannews.com, ayaa waxa lagu faahfaahiyey waxay ka wadahadleen Madaxweynaha iyo Weftiga Denmark ka socday, waxaanu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefdi  ay hoggaaminayso Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso Anne Elisabeth kobaek oo ah madaxa xafiiska Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dalka Denmark u qaabilsan ee Somaliland ee DANIDA.

Kulankaas waxa laga wada hadlay qodobo muhiima oo la xidhiidha mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka hesho sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), oo ay Denmark qaybka tahay sidii loo xoojin lahaa korna loogu qaadi lahaa, waxa kale oo laga wada hadlay sidii looga midho dhalin lahaa  wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya hore u dhexmaray balse hakadku ku yimid, waxa iyana kulankaasi lagu soo qaaday  doorashooyinka Somaliland ee sannadka 2019 ka horaantiisa la filayo inay dalka ka qabsoonto, sidii ay qayb uga qaadan lahayd dawladda Denmark iyadoo xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay wixii kharash ku baxaya ee ka xukuumad ahaan laga sugayo, dhinaca wadama ay Denmark ka midka tahay ee Somaliland ka taageera doorashooyinkuna ay qayb tooda ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd wakhtigii loo cayimay ee la isaga kaashan lahaa, waxa kaloo kulankaasi lagu soo qaaday nabadgelyada mandaqadan geeska afrika ee ay Somaliland hore ugu caanbaxday ilaalinteeda iyo dhawristeedaba, sidii loo adkayn lahaa.

Madaxa wefdiguna waxa ay sheegtay in ka Denmark ahaan ay xoojin doonaan xidhiidhka labada dal ka dhexeeya, isla markaana ay xoogga saari doonaan iskaashiga labada dal  iyo horumarinta Sanduuqa SDF, door muhiimana ay ka qaadan doonaan  doorashooyinka wakiiladda iyo golayaasha deegaanku inay wakhtigii loo asteeyey ku qabsoomaan Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku soo dhamaaday Isfahan buuxa oo dhexmara labada dal.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalkaas Madaxtooyada ka soo baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.