Duufaan Xooggan oo la Saadaaliyey inay Ku Soo Fool leedahay Xeebaha Soomaaliya

DUUFAAN SOMALIA KU SOO SOCOTA OO LAGA DIGAY
DUUFAAN SOMALIA KU SOO SOCOTA OO LAGA DIGAY

Somalia(Aftahannews):- Duufaan Xooggan ama Xawaare sare ku socota oo la saadaaliyey inay Xeebaha Soomaaliya ku soo fool-leedahay, ayaa laga digay, taasoo ka soo kacday Badda Arabia, sida ay faafisay BBC-du.

DUUFAAN SOMALIA KU SOO SOCOTA OO LAGA DIGAY
DUUFAAN SOMALIA KU SOO SOCOTA OO LAGA DIGAY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qaybta Saadaasha Hawada ee BBC-da, ayaa sheegtay in ay samaysmayso Duufaan xoog leh oo ka soo abuurmaysa badda Arabia. Duufaantan oo loogu magac daray Luban ayaa la filayaa in ay ku dhiufato waddanka cumaan Jimcaha, ka hor inta aysan garaacin Sabtida dalka Yemen,oo aysan ku xigsiinSoomaaliya. Waxaa la sheegayaa in Roobab aad u xoog leh ay wadato.

SOMALIA DUUFAAN KU SOO FOOL LEH OO LA SAADAALIYEY
SOMALIA DUUFAAN KU SOO FOOL LEH OO LA SAADAALIYEY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xarunta digniinta ka bixisa duufaannada ee Maraykanka ayaa sheegaysa iyadana in heerka duufaantan uu yahay heerka 1aad. Marka ay gaarto Yemen iyo Cumaan waxay xaruntu sheegaysaa in la fili karo in xoogeedu uu yaraado.

Laakin roobabka xoogga leh ayey sheegtay in ay dhalin karaan daadad khatar gelin kara qaybaha ay ka marayso dalalka ay ku wajahan tahay. “Waxaa kaloo macquul ah in Luban ay galbeedka sii aaddo oo ay u gudubto gacanka Cadmeed.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixinta Xaruntu soo saartay.

Duufaannada kulaaleyaasha ayaa intooda badan waxay ka kacaan badda Arabia xilliyada Guga iyo dayrta. Sannadkii ama labadii sanaba mar ayey duufaantaasi saamaysaa gacanka Arabia.

Bishii May 2018-ka ayey ahayd markii Duufaantii la baxday Sagar oo gacanka Cadmeed ku dhufatay ay sidoo kale garaacday inta badan Xeebaha Soomaaliya, iyada oo saamayn xooggan ku yeelatay Xeebaha Waqooyi-galbeed ee Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal oo ay ku dhawaad Lixdan Ruux ku dhinteen, halka Kumannaan ku barokaceen, Guryohooduna ku dumeen, Xoolo badanina ku le’deen, sidoo kale, Xeebaha Koonfurta Soomaaliya ee Caasimadda Muqdisho iyo deegaanno Puntland ka tirsani ku jiraanna ay saamayn dhimasho, dhaawac iyo burburba ah ku yeelatay.

Duufaantan Luban ayaa lagu wadaa in ay cirifka bari ee Soomaaliya ku dhufato saacadaha hore ee Axadda, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl ku soconaya saacaddiiba, sida aannu BBCSomali.com ka soo xigannay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.