Fannaan Caan ah oo Farxiya-Fiska u Qaaday Hees Jacaylku Hadheeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Maxamed Cali Burco Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed, ayaa Hees ammaan iyo Jacayl isugu jirta u qaaday Fannaanadda Farxiya-Fiska oo loo sameeyey Heestaas, waxaanu qaaday iyada oo Farxiya-Fiska garab-taagan.

 

Heestan oo Hal-ku-dheggeedu yahay Dhaxdin waad u qalantaa, waxaa Curiyey Allaah ha u naxariistee Abwaan Jaamac-Riyo oo ka mid ahaa Abwaannada Soomaaliyeed, isla markaana muddo ka tirsanaa Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, taas oo uu sameeyey intii aanu dhiman, isla markaana ugu talogalay Fannaanadda Farxiya-Fiska.

Shawga ay Farxiya-Fiska ku qabatay magaalada Hargeysa lixdii bishan Atoobber 2018-ka oo ay Safar ku joogto Hargeysa, ayuu Maxamed Cali Burco ka qaaday, iyada oo Fannaanadduna garab-kiisa taagantay. Haddaba, sida wax u dhaceen waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.