Khadra Silimoo iyo Mursal Muuse Maxaa kala Qabsaday? Karbaash Live u Dhacay

KHADRA SILIMOO OO LIVE U KARBAASHTAY MURSAL MUUSE FARXIYA-FISKA LIVE SHAW 2018
KHADRA SILIMOO OO LIVE U KARBAASHTAY MURSAL MUUSE FARXIYA-FISKA LIVE SHAW 2018

Hargeysa(Aftahannews):- Fannaaniinta Khadra Cabdi Silimoo iyo Mursal Muuse Cumar oo loogu yeedhi jiray Lammaanaha Jacaylka, ayaa wax kala gaadheen, ka dib markii ay Heeso ku daadis ah isu qaadeen marar kala duwan iyo meelo kala duwan bilihii u dambeeyey.

KHADRA SILIMOO OO LIVE U KARBAASHTAY MURSAL MUUSE FARXIYA-FISKA LIVE SHAW 2018
KHADRA SILIMOO OO LIVE U KARBAASHTAY MURSAL MUUSE FARXIYA-FISKA LIVE SHAW 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Haddaba, Heesaha Daadiska ah waxaa ka mid ah Hees ay Khadra Silimoo qaadday oo Hal-ku-dheggeedu yahay “Gob baan ahay” Taas oo uu Curiyey Abwaan Hal-beeg, laxanka waxaa ku ladhay Fannaanka Maxamed-Cirro, waxaa Muusiga tumay Saxardiid Maxamed Saxardiid, waxaanay ku soo bandhigtay Shawga Farxiya-Fisko ku qabatay Hargeysa, oo uu Mursal Muuse laftiisu goob-joog ka ahaa ama garab-taagnaa marka ay Heesta bilawday.

Khadra Silimoo Heestan ay Mursal ku karbaashayso waxa u kacay Taraabbuunka badankiis ama Dadkii Shawga Farxiya-Fiska Joogay badankooda, Gaar ahaan Haweenka, ayaa aad ugu kacay, waxaanan idiinku soo gudbinaynaa Heestaas iyo sidii ay Masraxa u ruxday Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.