Xisbiga Kulmiye oo Jaamac Shabeel Xilka ka qaaday Markii uu Xeerka Kufsiga ka Hadlay

JAAMAC-SHABEEL OO XILKII XISBIGA KULMIYE IYO XUBINNIMADIIBA LAGA QAADAY 2018
JAAMAC-SHABEEL OO XILKII XISBIGA KULMIYE IYO XUBINNIMADIIBA LAGA QAADAY 2018

Hargeysa(Aftahannews) – Gudoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige Shabeel ayaa maanta xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga saaray, ka dib markii uu dhawaan si adag uga hadlay Xeerka Kufsiga iyo Xad-gudubka Jinsiga ee Somaliland oo Culimo iyo Cuqaalba aad loo cambaareeyey, lana caddeeyey inuu Diinta Islaamka iyo Dastuurka Somaliland ka hor-imanayo, Madaxweynuhuna la sheegay inuu ka noqday dhaqangelintiisii uu qalinka ku duugay, si dib loogu saxo.

JAAMAC-SHABEEL OO XILKII XISBIGA KULMIYE IYO XUBINNIMADIIBA LAGA QAADAY 2018
JAAMAC-SHABEEL OO XILKII XISBIGA KULMIYE IYO XUBINNIMADIIBA LAGA QAADAY 2018

Guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye, ayaa fadhi ay maanta yeesheen, War-saxaafadeed ay ka soo saareen waxay ku sheegeen inay Xilkii Guddoomiyaha Golaha dhexe iyo Xubinnimadii Golahaas ee Xisbiga Kulmiye-ba ka qaadeen Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), iyaga oo ku eedeeyey inuu jebiyey Sharciga Siyaasadda ee Xisbiga Kulmiye. Qoraalka War-saxaafadeedkaas oo Nuqul ka mid ahi Aftahannews.com soo gaadhay, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Markii xilkii aad hayso u isticmaashay si khaldan oo uguna faa’iidaysatay aragtidaada shakhsi ah, hadaba guddida fulinta ee xisbiga kulmiye markay ogaatay in marar kala duwan si toos ah kaagala hadleen hogaanka xisbigu arrimaha aad ku kacayso, haseyeeshee aad ka joogi wayday, iyadoo raacaysa qodobka 56aad ee xeerka xisbiga faqradihiisa 2aad,3aad iyo 4aad waxa ay ogaamiyeen in laga bilaabo taariikhda maanta laga qaaday xilkii iyo xubinimadii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye waxa xilka gudoomiyaha golaha dhexe si ku meelgaadh ah usii haynaya gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee xisbiga” ayaa lagu yidhi qoraal uu ku saxeexan yahay Axmed Cabdi Xuseen ku xigeenk 2aad ee xisbiga kulmiye.

Siyaasiga xilka laga qaaday ayaa dhawr jeer oo hore dhaliilo u soo jeediyey xukuumada iyo madaxweynaha, taas oo keentay in xil ka xayuubintan lagu sameeyo.

Jaamac Shabeel ayaa ahaa nin hadalo cadcad oo xisbiga ka dhex muuqday,isla markaana awood badan ku dhex lahaa, waxaanu ahaa ragga tirada yar ee waagii madaxweynuhu ahaa gudoomiyaha xisbiga ee madaxweyne Siilaanyo is haysteen la saftay Madaxweyne Muuse Biixi oo wakhtigaasi xukuumadii hore ee kulmiye aad isku hayn jireen.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.