Maxaad Kala Socota Sharciyadii  Laga Guntay Tartanka Kooxaha Caasimadda?

Qallinka.Khadar Jacayl

Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland oo ah xidhiidh qaab-farsamo ah u dajiyey tartankii isku dhafka kooxaha caasimadda oo ka koobnaa 29 kooxood oo isugu jiray heerar kala duwan oo bilowday 17/7/2018  soona  dhammaaday 21/09/2018-ka

Tartankaa isku dhafka kooxaha caasimadda oo noqday tartankii ugu horreeyay ee la qabto intii Somaliland xorriyaddeedda la soo noqday.Islamarkaanna bulshadda Somaliland si fiican indhaha ugu hayeen intii tartankaasi ka bilowday Hargeysa Stadium.

Tartanka oo ahaa mid qurxiyey kubbadda cagta Somaliland oo keenay in dhalinyaro loo abuuro jawi is-dhexgal iyo furfuran xirfaddeed oo qurxisay qaab-ciyaareedka kubbadeed.

Tartanka isku-dhafka kooxaha ee isu-keenay ciyaartooy badan baa waxa tartanka sii adkeeyey sharcigii lagu hagayay kooxaha heerarka kala duwan soo maray oo bundhig looga dhigay in lagu hago sharciga kala xadeeyey ciyaartoyadda iyo garsoorka.

Haddaba akhriste maxaynu ka baran karnaa dhacdooyinkii laga diiwaangeliyey intii u tartankaasi socotay iyo qoddobaddii sharciga xidhiidhku qaaday intii tartankaasi socday iyo Qodobaddii lagu jiheeyey in aannu tartankaasi meesha ka bixin iyo inuu tartanku ku socdo jid-walkii loo dhigay.

1-Guddida anshaxa oo ganaax ku riday laacib aan rasmi ahaan uga tirsanayn naadigaas.

2-Kooxda kubadda cagta Dawadda Hoose oo lagu riday Ganaax saamayey tababaraha iyo afar ciyaartoy oo laf-dhabar ah.

3-Ciyaartoyga laba kaadh oo Huruud ah qaata waxa uu kooxdiisa ka maqnaan doonaa hal ciyaar, mana jirto kaadh masaxmaya marka laga soo baxo Groups-ka. Sidoo kale ciyaartoyga kaadh Cas oo toos ah qaata wuxuu ka fadhiyayaa kooxdiisa ciyaarta laga saaray iyo laba ciyaarood oo kale.”

4-Direyska koox kasta ay maalinta ciyaartooda ay ku ciyaarayso waxaa jaan-goynaya XKC si looga hor-taggo isku eekaansho midabadda kooxaha iyo garsoorka, waxaana koox kasta loo tix-gelinaya direyskooda koowaad.

5-Haddii kooxi ka dareerto garoonka iyaga oo Garsoorka wax ka tirsanaysa si toos ah ayaa dhibcaha loogu wareejin doonaa kooxda kale, marka kooxdii garoonka ka dareertay la suggo muddo 10 daqiiqo oo keliya.

6-Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo ka garsoore ka mamnuucay dhex-dhexaadinta ciyaaraha, kaddib markii uu sameeyey khaladaad weyn ciyaar dhex martay laba kooxood.

Tartanka dhammaaday ee isku dhafka kooxaha oo ahaa tartan qurxiyey kubadda cagta Somaliland isuna soo jiiday is-dhexgalka Bulsho oo noqday tartan laga baran karro sidda bulshadda Somaliland uga kortay ku jiiqsiggii kubadda cagta ka dhex-jirtay iyo wasaaradda ciyaaraha Somaliland oo iyadduna sharciyadeedu noqdeen kuwa dhaxal-gal ah oo kala jiheeyey kooxaha iyo garsoorka.Taasina waxay marag-cad u tahay in wasaaradda ciyaaruhu noqday wasaarad ka soo baxday shaqadii loo igmaday iyo in dhallinyaraddo loo abuuro fan-ciyaareed oo ka joojiya bal-wadaha iyo waxyaabaha qaranka dhibaatadda u keenaya.