Madaxwenaha DDSI oo soo saaray awaamiir culus, Sheegayna in mudo shan cisho gudahood lagu soo magacaabi doono maamulada degmooyinka

Jig Jiga (Aftahannews)- Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in muddo shan cisho gudahood lagu soo dhisi doono maamulada degmooyinka kaddib markii uu dib u dhac ku yimid dhamaystirka howlaha magaacibadda hoggaanka maamulka.

Sidoo kale Madaxweyne Muxumed Mustafe Cumar ayaa amar ku siiyay booliska in aanay u dul qaadan cid kasta oo carqaladeynaysa ammaanka isla markaasna sharciga lala tiigsado dadka doonaya inay amni darrada abuuraan.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay iska ilaalinayaan inay xadgudub sameeyaan balse tallaabo laga qaadani doono cid kasta oo wadata calanka urur ayna hore uga tirsanaan jirin.

Hadalka madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa imaanaya xilli maanta uu iska hor imaad aan waynayn uu ka dhacay halkaasi oo dhexmaray dhalinyaro sita calanka ONLF iyo kuwo kasoo horjeedo, waxaana ku dhaawacmay hal qof, booliska ayaa markii dambe xaaladda dejiyay.

                                                                                   

Halkan hoose ka daawo muuqaalka