“Madaxweyne Biixi wuxu keensaday Innamo yaryar oo uu kol Fadhiista Marna Kaca yidhaahdo..” Ramaax

RAMAAX OO SHEEGAY IN MUUSE BIIXI WASIIRRADIISA KACAA FADHIISIYO
RAMAAX OO SHEEGAY IN MUUSE BIIXI WASIIRRADIISA KACAA FADHIISIYO

Hargeysa(Aftahannews):- Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo xilal Badhasaabnimo ka soo qabtay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo gobollada Saaxil, Sanaag, Sool, Togdheer, Awdal iyo Gabiley, isla markaana dhawaan ku biiray Xisbiga Ucid, ka dib markii uu ka baxay Kulmiye oo uu muddo dheer ka tirsanaa, ayaa naqdiyey qaabka uu Madaxweyne Muuse Biixi wax u wado iyo wixii ay Kulmiye ahaan doorashada ku soo galeen ee ay Bulshada u ballan-qaadeen oo uu tilmaamay in faraq badani u dhexeeyo, isaga oo ku dooday inuu Wasiirro u magacaabay Dad innamo yaryar u badan oo uu kacaa fadhiisiyo, siduu hadalka u dhigay.

RAMAAX OO SHEEGAY IN MUUSE BIIXI WASIIRRADIISA KACAA FADHIISIYO
RAMAAX OO SHEEGAY IN MUUSE BIIXI WASIIRRADIISA KACAA FADHIISIYO

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ramaax oo hadda ah Xoghayaha gobollada iyo Degmooyinka ee Xisbiga UCID, ayaa sidaa ku sheegay Waraysi uu siiyey UNIVERSAL TV, waxaanu ka hadlay arrimo kala duwan oo tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee Madaxweyne Biixi qaaday ku jiraan, sida dib-u-soo celinta Hantida dawladda ee Gacmaha gaarka ah ku jirtay iyo weliba diiwaangelinta Hantida ma guurtada ah ee dawladda iyo qodobbo  kale.

Waraysigaas Ramaax bixiyey qaybtiisa hordhaca ah oo xiiso badan, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Ka Bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.