“Annaga Madaxtooyada Somaliland Aroos naloogu Samayn maayo, Waayo? Dhaqan baannu leenahay..”

GABDHAHA ARAGGA NAAFADA KA AH EE SOMALILAND
GABDHAHA ARAGGA NAAFADA KA AH OO SHEEGAY INAAN MADAXTOOYADA SOMALILAND LAGU AROOSAYN 2018

Hargeysa(Aftahannews):- Gabdhaha aragga naafada ka ah ee ku dhaqan magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland qaarkood, ayaa sheegay inaanu jirin wax Aroos-wadareed ah oo ay Xukuumaddu ugu samaynayso xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu Mid ka mid ah Ragga aragga naafada ka ah ee u ololeeya Naafada sheegay toddobaadkii hore in Aroos loogu qabanayo 11 Hablood oo aan indhaha waxba ka arag.

GABDHAHA ARAGGA NAAFADA KA AH EE SOMALILAND
GABDHAHA ARAGGA NAAFADA KA AH OO SHEEGAY INAAN MADAXTOOYADA SOMALILAND LAGU AROOSAYN 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hase-yeeshee, Qaar ka mid ah Gabdhaha aragga naafada ka ah ee Reer Somaliland ee Hargeysa ku dhaqan oo Maanta Warbaahinta kula hadlay isla Hargeysa, waxay sheegeen inaan arrintaa aroos-wadareedka waxba ka jirin ee Ciddii sheegtay ay ku kooban tahay, isla markaana aanu jirin Dhaqan ka duwan ka Hablaha Reer Somaliland ee ay ka midka yihiin ka faquuqaya oo iyaga gaar loogu aroosayo, balse ay la dhaqan iyo la xuquuq yihiin Gabdhaha Naafada ahi Gabdhaha kale.

Haddaba, Gabdhahan u hadlay Haweenka aan indhaha waxba ka arag Dooddooda iyo Dalab ay Xukuumadda u dirsadeenba iyaga oo faahfaahinaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.