Ruushka oo gaantaallo casri ah siinaya Suuriya

Hargeysa (Aftahannews)- Ruushka ayaa gantaallada dagaalka oo cusub siinaya dalka Suuriya sii loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah mucaaradka toddobaadyo uun kaddib markii ciidammada Suuriya ay soo rideen diyaarad militari uu Ruushka leeyahay.

Wasiirka difaaca dalka Ruushka Sergei Shoigu ayaa sheegay in gantaallada la yidhaahdo S-300 ay siinayaan xukuumadda Suuriya muddo labo toddobaad gudahood.

Wasiirka wuxuu sheegay in hubkan la siinayo Suuriya sannadkii 2013-kii balse la hakiyay kaddib codsi ka yimid Israa’iil.

Gantaalladan ayaa ciidammada ka caawin doona inay bartilmeedsadaan goobaha gaarka ah ay howlgallada ka fulinayaan, wuxuu sidoo kale ogaan karaan diyaaradaha Ruushka ee ku sugan hawada Suuriya.

Ruushka ayaa saldhiga militari ku leh dalka Suuriya halkaaso ay ka wadaan howlagallo ay ku taageerayaan ciidammada xukuumadda Bishar Al Asad oo howlgal ka wado goobaha ay ku xoogan yihiin mucaaradka.

 

Source: BBC Somali