Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Puntland oo Weerar lagu qaaday iyo Khasaare ka dhashay

CIIDANKA ILAALADA MADAXTOOYADA PUNTLAND IYO GAAS
CIIDANKA ILAALADA MADAXTOOYADA PUNTLAND IYO GAAS

Boosaaso(Aftahannews)- Hal Askari ayaa ku dhintay, labae kalena way ku dhaawacmeen Weerar Isniintii maanta lala beegsaday Ciidammo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo ku sugnaa magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari. 

CIIDANKA ILAALADA MADAXTOOYADA PUNTLAND IYO GAAS
CIIDANKA ILAALADA MADAXTOOYADA PUNTLAND IYO GAAS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Askartan ayaa la sheegay in bartmaha magaalada ay ka gadanayeen aalab ay leeyihiin gaadidka madaxtooyada. Dadka dhaawaca ah ayaa hadda lagu dawaynaya isbitaalka guud ee magaalada Bosaaso.

Madaxweynaha Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku sugan magaalada Bosaaso, ciidammo badan ayaa ku sugan halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay waday baadhitanno lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada.

Magaalada Bosaaso waxaa hore waxaa uga dhacay dilal kala duwan oo lagu dilay dad rayid ah.

Maamulka Puntland weli kama aysan hadlin weerarka balse saraakiisha madaxtooyada ayaa BBC-da uu sheegay inay jiraan dad looga shakisan yahay weerarka oo ay soo qabteen.

Xigasho BBCSomali.com.