Wasiirka Maaliyadda iyo Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Somaliland Maxay ka Wadahadleen?

SULDAAN ISMAACIIL IYO WASIIRKA MAALIYADDA OO WAXAY SHEEGAAN GARAN WAAYEY 2018
SULDAAN ISMAACIIL IYO WASIIRKA MAALIYADDA OO WAXAY SHEEGAAN GARAN WAAYEY 2018

Hargeysa(Aftahannews)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa maanta hortegay Guddiyada Joogtada ah ee Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada, kuwaas oo ay wada yeesheen fadhiyo albaabbadu u xidhnaayeen oo saacado qaatay.

SULDAAN ISMAACIIL IYO WASIIRKA MAALIYADDA OO WAXAY SHEEGAAN GARAN WAAYEY 2018
SULDAAN ISMAACIIL IYO WASIIRKA MAALIYADDA OO WAXAY SHEEGAAN GARAN WAAYEY 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Markii Wasiirka oo isaga iyo Masuuliyiin la socday isaga gudbeen labada Dhisme ee Guurtida iyo Wakiillada oo xarunta baarlamka ku yaal oo uu laba guddi mid walba gaarkeeda ugula kulmay, ka dib waxa Warbaahinta si kooban oo aan faahfaahsanayn ula hadlay Wasiirka iyo Xildhibaan Ismaaciil oo Guddiga Joogtada ah ee Guurtida ka tirsan, waxaana ka mid ahaa hadalladoodii.

Weriyeyaal ka kala socday Warbaahinta kala duwan ee Somaliland oo aan si dhammays ah u fahmin waxay isla meel-dhigeen ee ay Wasiirka iyo Xildhibaanku sheegeen, ayaa holladay inay weydiinto su’aalo kala duwan si ay labada Masuul u caddeeyaan waxay rasmi uga wadahadleen oo qodobbaysan, haddana may suuragelin inay xog intaas ka badan bixiyaan, ka dib markii ay Kamaradaha oo haya si deg-deg ah goobtii ay ku hadlayeen uga dhaqaaqeen, si kabti lehna Baabuurtooda u fuuleen, iyaga oo diiddan inay wax jawaab ah ka bixiyaan su’aalaha weriyeyaashu weydiinayeen.

Hase-yeeshee, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada iyo Wasiirka Maaliyadda kulanka dhex-maray, ayaa la sheegay in lagu kala kacay oo aan wax rasmi ah la iskula qaadan, markii ay Wasiirka iyo Xildhibaannada Wakiilladu ka soo baxeen kulankooda oo horreeyeyna dhinacna Saxaafadda lama hadal, marka dambe ee uu Wasiirku dhinaca Guurtida ka soo baxay ee uu hadlayna sooma hadal-qaadin kulanka uu la yeeshay Guddiga joogtada ah ee Wakiillada iyo waxay isla meel-dhigeen toona.

Balse, Sababta Guddiyada Joogtada ah ee Golayaasha Baarlamaanku ugu yeedheen Wasiirka Horumarinta Maaliyadda, ayaa la sheegay inay la xidhiidho Lacagta lixda Boqol ee Kun dhan ee uu Wasiirku sheegay in Taarikada ama Bileydh-lambarrada Gaadiidka Somaliland jooga ee Boqolka kun ee Gaadhi ku dhaw lagu beddeli doono, taasoo ay Mudanayaal Baarlamaanka ka tirsani hore ugu sheegeen mid xaaraan ah oo aanu Wasiirku Sharci u lahayn, sidoo kale Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xubno Bulshada ka tirsan, ayaa iyaguna ka soo horjeestey Lacagtaas. Hayeeshee, lama garanayo inay Wasaaradda Maaliyaddu sidaa ay ku bilawday ku wadan doonto iyo in Baarlamaanku wax ka beddeli doonaan sharci ahaan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.