Dalladda Nagaad Maxay ka Tidhi Doorka Xeerka Kufsiga iyo Doodda Culimadu Xaaraanta kaga dhigeen?

NAGAAD NETWORK DALLADDA NAGAAD LOGO
NAGAAD NETWORK DALLADDA NAGAAD LOGO

Hargeysa(Aftahannews):- Dalladda Ururrada Haweenka Somaliland ee Nagaad, ayaa difaacday Xeerka Kufsiga iyo Tacaddiyada Jinsiga ee Somaliland, Xeerkaas oo Buuq iyo Muran dhaliyey, isla markaana ay Culimadu diidmo kala horyimaaddeen, ayuu dhawaan dhaqangelkiisa qalinka ku duugay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ka dib markii ay Golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu ansixiyeen bishii hore.

NAGAAD NETWORK DALLADDA NAGAAD LOGO
NAGAAD NETWORK DALLADDA NAGAAD LOGO

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mustafe Axmed oo ah Madaxa Mashaariicda Dalladda Nagaad oo waraysi gaar ah siiyey Weriye Maxamuud Xuseen Jaamac (Jawhar) oo ka tirsan Telefeshinka Star, ayaa sheegay inaanay Xeerka ku jirin Qodobbada ay Culimada iyo Dadka kale ee diiddani ku doodayaan inay ku jiraan, kuwaas oo ay ku sheegayaan inuu isu fasaxayo Ragga is-qaba ama Dumarka isu taga iyo weliba kuwo kale, waxaanu tilmaamay Dadka sidaa ku doodayaa inaanay akhriyin Xeerka ee ay Been iyo malo-awaal wadaan.

Haddaba, Su’aalaha la weydiiyey iyo Jawaabaha uu ka bixiyey arrimaha ku saabsan Xeerka Kufsiga Mustafe Axmed, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.