Suldaan Reer Sanaag ah oo Badhan Ciidanka Punltand ku Dilay iyo Cabdiweli Gaas oo ka Hadlay

SULDAAN XASAN CALI JIBRIIL OO BADHAN LAGU DILAY 2018
SULDAAN XASAN CALI JIBRIIL OO BADHAN LAGU DILAY 2018

Badhan(Aftahannews):- Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ahaa Isimmada Gobolka Sanaag, ayaa geeriyooday, ka dib markii ay ku dhacday Xabbad uu riday Askari ka tirsan Ciidammada Maamulka Puntland oo taagnaa Bar Kaantarrool oo ku taalla mid ka mid ah Kidimmada laga galo magaalada Badhan ee Bariga gobolka Sanaag oo Madaxweynaha Puntland iyo Wefti la socdaa joogeen.

SULDAAN XASAN CALI JIBRIIL OO BADHAN LAGU DILAY 2018
SULDAAN XASAN CALI JIBRIIL OO BADHAN LAGU DILAY 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Allaah ha u naxariistee Suldaan Xasan Cali Jibriil, ayaa ka tegay deegaanka Hadaaftimo, ka dib markii uu Marti-qaad ka helay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa magaalada Badhan ku sugnaayeen illaa Arbacadii.

Hase-yeeshee, Ciidammadi goobtaa ku sugnaa oo la hadlay Gaadhiga inuu istaajiyana Marxuumku uma suuragelin, sidaa ayaanu Askariga Kantaroolka Badhan ku sugnaa hal Xabbad ugu riday Baaburka, taasoo ku dhacday Suldaanka, isla markiina u geeriyooday.

Madaxweeynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali  (Gaas) iyo Suldaanka guud ee Bariga gobolka Sanaag Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaan, ayaa ka tacsiyeeyay dilka Suldaan Xasan Cali Jibriil loo geystay Bulshada uu Madax-dhaqameedka u ahaa.

Waxa uu Madaxweynaha Punltand Md. Gaas oo ka hadlaya Dilka Suldaanka uu yidhi; “Waxaan si gaar ah ugaga tacsiyaynayaa geerida marxuunka qaraabadii eheladii, xaasaskii iyo caruurtii uu kategey, marlabaad waxaan Alle u waydiinaynaa inuu denbigiisa dhaafo kuna abaal mariyo janooyinkiisa kuwa ugu wanaagsan.”

Garaad Cabdillaahi Cali Ciid oo ka hadlay Dilka Suldaanka, ayaa sheegay in la xidhay Askariga Xabbadda ridey oo ay Ciidammada amniga Puntland gacanta ku hayaan, isagoo ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxaristo Suldaan Xasan Ehelka, Asxaabta, Qaraabada, Dadka deegaanka iyo Qoyska uu ka baxayba inuu Samir iyo iimaan ka siiyo.

“Suldaan Xasan saakay ayuu ka soo baxay deegaanka Hadaaftimo, martiqaad isaga ku magacaaban oo halka madaxdii timid iyo odayaasha uu u dhigayay ayuu rabay inuu u yimaado Badhan.” Sidaa ayuu yidhi Garaad Cabdillaahi Cali Ciid.

Waxaanu Garaad Ciid oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray; “Suldaanku isagoo maraya meel u dhaxeysa Badhan iyo Hadaaftimo ayaa dabcan meel bar-kantarool ahayd Nin Askari ah ayay marka Xabbad ka fakatey, Ninka xabbadda marku ridey Suldaanka oo keligii ah oo Gaadhiga Muraayadaha u dalacanyihiin ayay Madaxa kaga dhacday.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.