Muqdisho: Gabadh Ardayad ah oo Fasalkii Jaamacadda ee ay Wax ku Baranaysay lagu dhex Dilay

JAAMACADDA SOOMAALIYA EE MAGAALADA MUQDISHO
JAAMACADDA SOOMAALIYA EE MAGAALADA MUQDISHO

Muqdisho(Aftahannews):- Kooxo hubeysan ayaa duhur-nimadii maanta gudaha Jaamacada UNISO ku dhax toogtay gabar Ardey aheyd oo lagu magacaabi jiray Aamina Xusseen Xassan gudaha fasalkii ay wax ka baraneysay.

JAAMACADDA SOOMAALIYA EE MAGAALADA MUQDISHO
JAAMACADDA SOOMAALIYA EE MAGAALADA MUQDISHO

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in dableyda toogashada u geysatay gabadha oo u muuqdeen kuwo hayay xog dhameystiran si toos u abaareen fasalkeeda  iyaga markii ay toogeen kaddib si nabad ah uga tagay goobta.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo toog-tay gabadhan oo la sheegay in ay Jaamacadda ka baran jirtay Kuliyada Shareecadda, waxeyna aheyd gabadha labaad ee fasalka oo ay ku dhiggan jireen  labo gabar oo kaliya halka inta kale ay ahaayeen wiilal.

Ardeyda oo siweyn uga xumaaday falkan iyo toogashada loo geystay gabadhihii  ay wax ka wada baran jireen Jaamacada ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo qabto kooxdii dilka geysatay.

Dhawaan ayeey aheyd markii gabar 9 sano jir ah uu toogasho u geysatay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya xili ay la soctay Bas-ka dugsigii ay wax ka baran jirtay ee Hoyga Xamar.

Magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay-ba waxaa ku badnayay dilal dadka siweyn uga fajiciyay habka loo fulinayo iyo dadka lagu beegsanayo intaba, waana arin naxdan ku ah guud ahaanba ardeyda wax ka barata Jaamacada Muqdisho falkan maanta gudaha fasalkeeda loogu dhax-toogtay marxuumad Aamina.

Xigasho Hiiraan.com.