11 Gabdhood oo Aroos-wadareed loogu Samaynayo Madaxtooyada Somaliland iyo Sababta Keentay

XAFLAD LAGU QABTAY MADAXTOOYADA SOMALILAND PHOTO GOOGLE
XAFLAD LAGU QABTAY MADAXTOOYADA SOMALILAND PHOTO GOOGLE

Hargeysa(Aftahannews):- 11 Gabdhood, ayaa Aroos-wadareed loogu qabanayaa Madaxtooyada Somaliland, waxaanay noqonaysaa dhacdadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee Madaxtooyada Somaliland ka qabsoonta, iyaga oo ay 11-kaas Hablood Arooska loo qabanayo uu ka qaybgeli doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

XAFLAD LAGU QABTAY MADAXTOOYADA SOMALILAND PHOTO GOOGLE
XAFLAD LAGU QABTAY MADAXTOOYADA SOMALILAND PHOTO GOOGLE

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Siciid Maxamuud Xuseen oo ka mid ah Dadka Aragga Naafada ka ah, isla markaana u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Naafada, ayaa sheegay Warkan, waxaanu intaas ku daray inay wadaan qorshaha lagu aroosayo 11 Gabdhood oo aragga Naafo ka ah, waxaanu Baaqyo kala duwan u diray Madaxweynaha, Qaybaha Bulshada, Culimada iyo Dhakhaatiirta Somaliland ka hawlgala.

Haddaba, Warkan iyo Farriimaha ama Baaqyada uu diray Siciid Maxamuud Xuseen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.