Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay qoyska gabdha 9 jirka ah ee Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay qoyska ay ka baxday gabadh ciyaal iskuul ah oo sagaal jir ah oo magaalada Muqdisho lagu toogtay, sida uu BBC-da u xaqiijiyay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya.

Balse kulankaas ayaan faahfaahin dheeri ah laga bixinin, saxaafaddana lala wadaagin.

Dhanaka kalana dawladda Soomaaliya ayaa xidhay afar askari oo lagu eedeeyay in ay dileen gabadhaas.

Deeqa Daahir

Deeqa Daahir ayaa ku sii socotay guriga iyada oo saaran baska iskuulka oo dhex marayay magaalada Muqdisho, askarta dawladda ayaana rasaas furay si ay gawaadhidu u socdaan oo saxmaddu u kala yaraato.

Gabadhan yar ayaa la aasay Khamiistii, ka dib markii ay haleeshay xabbad iyada oo faraxsan oo jalaato cunaysa.

Istii aaskeedu socday qoyska gabadha ayaa dalbaday in caddaalad loo sameeyo.

In ciidammadu ay rasaas ku fureen meel shacab ka agdhaw yahay waa wax caadi ka ah magaalada Muqdisho, balse taliyaha booliiska ayaa hadda ballan qaadaya in dacwad lagu soo oogi doono askari kasta oo rida rasaas halis galinaysa shacabka.

Isniintiina darawal bajaaj ayaa dhintay ka dib markii ay haleeshay rasaas uu askari ku furay waddo ku taalla magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa tartiibtartiib uga soo kabanaysa tobannaan sano oo dagaal sokeeye ragaadiyay, balse caqabad wayn ayaa wali ka taagan dhanka ammaanka.

Qolyaha jihaaddoonka ah ayaa lagu yaqaanna in ay weerarro qaadan marka ay wadooyin ciriiri yihiin ee saxmad jirto, laamaha ammaanka ayaana isku daya in gawaaridu aysan istaagin.