Somaliland: Naafo Dhisaysa Naafo!

DADKA ARAGGA NAAFADA KA AH EE HARGEYSA OO ISKUUL GAAR AH DHISAAYA 2018.png
DADKA ARAGGA NAAFADA KA AH EE HARGEYSA OO ISKUUL GAAR AH DHISAAYA 2018.png

Hargeysa(Aftahannews)- Qaar ka mid ah Dadka aragga naafooda ka ah ee ku nool magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa wada olole ay qaadhaan ugu ururinayaan dhismaha Mac’had sare oo ay sheegeen inay ka dhisayaan Hargeysa, si ay wax ugu bartaan Dadka aragga ka naafoobay ee Tacliinta u baahan.

DADKA ARAGGA NAAFADA KA AH EE HARGEYSA OO ISKUUL GAAR AH DHISAAYA 2018.png
DADKA ARAGGA NAAFADA KA AH EE HARGEYSA OO ISKUUL GAAR AH DHISAAYA 2018.png

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xubno ka mid ah Dadka indhoolayaasha ah ee hawshaa u isu-xil-saaray, ayaa dhawaan Xarunta Baarlamanka Somaliland waxa ay u tageen hawlaha qaadhaan-ururinta ah ee ay ku jiraan, kuna doonayaan inay ku dhisaan Dugsiga Waxbarasho ee ay rabaan inuu gaar u noqdo Dadka aan indhaha wax ka arag.

Maxamed Cabdi Wabax oo ka mid ah Kooxda Indhoolayaasha ah ee Baarlamaanka hor tegay, ayaa laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da uga warramay ujeeddada ay Baarlamaanka u tageen, waxaanu yidhi; “Baarlamaanka waxaannu u nimid Xaflad aannu doonayno inaannu qabanno 15-ka bishan oo aannu qadhaan ugu uruurrino Iskuul loo dhisayo Dadka aragga Naafada ka ah, Dhulkii aannu ka dhisaynayna waxaa na siisay dawladda hoose. Markaa, waxaannu doonaynay in Xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka ku soo casuunno.”

Sidoo kale, Siciid oo ka mid ah Dad aragga ka naafada ah ee hadda ka hor tegay Baarlamaanka, ayaa waxaa uu sheegay in aanu jirin Xeer u doodaya Xaquuqda Dadka Indhoolyaasha ah, waxaanu yidhi;. “Wax ka bilaaban ayaa jira Xeerka, Dallad Naafada ahina way jirtaa, waxaa kale oo jira La-taliyaha Madaxweynaha ee Xagga Naafada oo la yidha Cabdiraxmaan Aw Xuseen, waxbaa dhiman wax badana waa la qabanayaa. Waxaa immika dalka ka Madaxweyne ah Nin Mujaahida isna waannu la ballansannahay, waanan u tegaynaa.”

“Waxaanan doonaynaa Machad saddex Dabaq ah oo ah hal Baloog laga dhisayo oo aannu doonayno inaannu wax u weydiinno Soomaalida, Gaalada iyo Muslimiinta kale ee wax haysta, si aannu u helno meel aqoontii lagu baro Dadka Naafada ah, immika waxaa jira Iskuul ay waxka bartaan Dadka Indhaha ka Naafada ahi oo siddeedaad ku dhammaada, waxaannu diyaarinaynaa meel ay Dadka aragga ka Naafada ahi meel ay waxku bartaan, meel ay seexdaan, Meel ay waxka cunaan iyo Meel ay ku ciyaaraan.” Sidaa ayuu yidhi Siciid oo ka mid ah Dadka Xuquuqda Naafada Somaliland aadka ugu dhaqdhaqaaqa.

Siciid waxa uu BBC-da u sheegay inay Dunida soo mareen Madaxweyneyaal aan Indhaha wax ka arag iyo Wasiirro Aragga Naafo ka ah, waxay halkaas ku gaadheenna yahay Dadkooda oo Xuquuqdooda meel u saaray iyo dedaalka aqooneed ee ay sameeyeen, sidaa daraaddeedna, Somaliland looga baahan yahay inay Xuquuqda Naafada dhawrto, kalana shaqayso sidii Aqoonta gaarka ah ee Dadka aragga Naafada ka ahi u baahan yihiin oo horumarsan dalka looga hirgelin lahaa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.