“Xeerka Kufsigu Xukunkii Diiniga ahaa ayuu Qafiifinayaaye, Diin Cusubi Soomay degin..” Axmed Yuusuf & Barn: Xog-tibaax

SUXUFI CABDIFATAAX MURSAL IYO DIFAACE AXMED YUUSUF OO FAAQIDAY XEERKA KUFSIGA SOMALILAND 2018
SUXUFI CABDIFATAAX MURSAL IYO DIFAACE AXMED YUUSUF OO FAAQIDAY XEERKA KUFSIGA SOMALILAND 2018

 “Xeerka Kufsiga Qodobbadani Kol hadday ku Jiraan Ma Diin Cusub baa soo degtay, Maxaad ugu Doodaysaa?” Axmed Yuusuf & Barn: Xog-tibaax         Hargeysa{Aftahannews}:- Barnaamijka Xog-tibaax ee ka Baxa Telefeshinka Somalinews (SOMNEWSTV) oo uu Daaddihiyo Weriye Cabdifataax Ismaacciil Mursal, ayaa Toddobaadkan si qoto dheer loogu faaqiday ama loogaga hadlay Xeerka Kufsiga iyo Jinsiga ee Somaliland oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhaqan-gelintiisa Qalinka ku duugay 28-ka bishii siddeedaad ee sannadkan 2018-ka ama Toban maalmood ka hor.

SUXUFI CABDIFATAAX MURSAL IYO DIFAACE AXMED YUUSUF OO FAAQIDAY XEERKA KUFSIGA SOMALILAND 2018
SUXUFI CABDIFATAAX MURSAL IYO DIFAACE AXMED YUUSUF OO FAAQIDAY XEERKA KUFSIGA SOMALILAND 2018 #Barnaamijka Xog-tibaax@

 

 

 

 

 

 

 

Xeerkaas Kufsiga iyo Jinsiga ee Somaliland ee Madaxweynuhu qalinka ku duugay dhaqan-gelkiisa markii ay Golaha Wakiillada oo iyaguna maalmo ka hor ansixiyey u gudbiyeen, ayaa qaar ka tirsan Xildhibaannada Golaha Guurtida waxay ku doodeen in qodobbo ka mid ah Xeerka ka soo horjeedaan Diinta Islaamka iyo Dastuurka Qaranka Somaliland, waxaana sidoo kale Dadka qaarkood Baraha Bulshadu ku kulanto ku qaadaa-dhigayeen maalmahan qodobbadaas iyo hadal-hayn kale oo tibaaxaya in Xeerku aanu Diinta waafaqsanayn, sidoo kalena Mashaariic ahaan looga faa’iidaystay, Madaxweynuhuna aanu iska hubsan ee uu qalinka la boobay seexaxa dhaqan-gelintiisa.

Haddaba, si aynu isu-dul-taagno qodobbada Xeerkaasi ka koobanyahay, Kuwa la tilmaamay inay Diinta iyo Dastuurka ka soo horjeedaan iyo kuwiisa saxda ahba, waxa Barnaamijka Xog-tibaax Weriye Cabdifataax I. Mursal ku waraystay Axmed Yuusuf Xuseen oo hore u soo noqday Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha Dawladda Somaliland oo wakhtigan ka tirsan Xubnaha ugu cadcad Ururrada Xuquuqda Aadamaha u dooda ee Somaliland ee dawladda ka madax-bannaan.

Axmed Yuusuf, waxa uu sidoo kale ka mid ahaa Xubnihii sida weyn ugu dhaqdhaqaaqayey Xeerka Kufsiga intii aanay Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ansixin iyo intii uu Madaxweynaha la yaallayba, maaddaama oo uu doorkaas muuqda ku lahaa waxa la weydiiyey Xeerkaas aragtida laga bixiyey wuxuu ka odhanayo, ujeeddada uu dabada uga riixayey meel-marintiisa iyo sida Diinta loo waafajinayo qodobbada aan Shareeca Islaamka iyo Dastuurka dalka toona waafaqsanayn ee sida gaarka ah farta loogu fiiqayo waqtigan.

Barnaamijka Xog-tibaax intii uu socday waxa Axmed Yuusuf Xuseen lagu weydiiyey Su’aalo door ah oo si dhab ah u taabanaya Xaqiiqada Xeerka iyo Xogo badan oo kale oo Bulshada badankeeda ka qarsoon, waxaanannu Barnaamijka Waraysigan lagula yeeshay siduu u dhacay, su’aalaha lagu weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.