Xildhibaan Sharci-jebin ku Eedeeyey Telesom, Baaqna u Diray Madaxweyne Biixi

XILDHIBAAN DAYIB XASAN AXMED OO EEDEEYEY TELESOM 2018

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu Baaqay inuu wax ka qabto Sharci-jebin uu ku eedeeyey inay si badheedh ah ugu kacday Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom.

XILDHIBAAN DAYIB XASAN AXMED OO EEDEEYEY TELESOM 2018

 

Xildhibaan Dayib, waxa uu sheegay inay Telesom Kaadhadhka Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Soomaaliya laga isticmaalo keentay magaalooyinka Somaliland, isla markaana ay ku fuliso adeegga Zaad-ka oo Boqol Doollar wixii ka yar in la isugu diro bilawgii sannadkan Xukuumaddu mamnuucday.

Waxa uu Xildhibaan Dayib sheegay in Boqol Doollar wax ka yar illaa Hal Doollar la isugu dirayo Lambarrada Shirkadda Golis la yidhaahdo oo laga isticmaalo Maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya, balse ay Telesom dalka keentay, isla markaana si toos ah ay Kaadhadhkaas adeeggeeda hadalka iyo lacag isu-diristaba laga isticmaalo.

Sidaa daraaddeed, waxa uu Xildhibaanku ugu Baaqay Madaxweynaha in tallaabo lagaga qaado Telesom Sharci-jebinta ay samaysay ee ka hor imanaya go’aankii lagu joojiyey in Taleefannada gacanta la isugu diro wixii Boqol Doollar ka yar.

Waxa uu Xildhibaan Dayib ku dooday in Shirkadda Somtel marka laga tago Lacagta ku hadalka ee lagu shubto Taleefankeeda gacanta mooyaane aanay weli iyadu sida Telesom oo kale uga hor-iman Go’aanka hore ay Xukuumadda iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somtel iyo Telesom isula qaateen ee lagu joojiyo isu-dirista Lacagta Boqolka Doollar ka yar, halka taa beddelkeeda lacagta Boqolka ka yar ee la isu-dirayaa tahay Lacagta Dalka ee Shilinka Somaliland.

Haddaba, Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo arrimahaas ka hadlaya, faahfaahinna ka bixinaya waxyaabaha uu arkay iyo Caddaymaha uu eedayntiisa u cuskaday, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.