Guusheeda iyo Guul-darradeedu Waxay Ku Xidhnaan Doontaa Dhinac Keliya! WQ: Maxamuud Walaaleeye

DADWEYNAHA SOMALILAND OO DOORASHO U TAAGAN SAFAFKA

Doorasho, maqalkeedu dareeno kala duwan ayey u samaysaa dhinacyo kala duwan oo bulshada JSL ee gudaha ama dibeddaha jooga iyo weliba wadammo loo bixiyey saaxiibada Somaliland  ama guud ahaan bulshada caalamka, taasoo dhinacwalba ka eeganayo danno isaga u gaar ah, ama uga dhexmuuqda qabsoomideedu? Laakiin, waxa marag ma-doon ah, inuu jiro dhinac kaliya oo guusheeda  xigsanaya ama guuldaradeeda gaar loogula xidhiidhin doono.

DADWEYNAHA SOMALILAND OO DOORASHO U TAAGAN SAFAFKA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidaynu hore u soo sheegnay dhinacyada saamaynta ku leh doorashada ama ay fursada weyn u tahay waxa ugu horeeya bulshada reer Somaliland, oo yeesha awood ay gacmahooda ku xushaan inta ay u dooran lahaayeen daryeelka dannahooda guud,  haddaba, waxa la gudboon inaanay fursadaasi ku dhaafin ama kaga lumin si fudud, una hawlgalaan inay ka sii horqaadaan dariiqeeda waxii jilaafooyin loola badheedho dhicisaynteeda.

Golaha Wakiilada oo qeyb ka ah dhinacyada saamaynta ku yeelanayso doorashada loo qorsheeyey horaanta sannadka dambe, (Hadii Ilaahay Yidhaahdo) inay dalka ka qabsoonto, ayaan inbadan oo bulshada ka mid ahi naawilayn ama filaynin inay diyaar u yihiin qabsoomideedu? Taasoo sabab looga dhigi karo ama caddeynteedu ku filan tahay marka laga yimaado mowqifyadoodii keenay in loo kordhiyo muddo-xileedkooda marar horoo kala duwan, inaanay wakhtigan aynu hadlayno weli aanay diyaarin ama ka cago-jiidayaan inay gutaan waajibkii ummadu u dooratay, isla markaana ansixiyaan xeerar muhiim u ah qabsoomida doorashada oo horyaala bilahii la soo dhaafay ilaa wakhtigan, taasoo dib-u-dhac kastoo ku yimaada, culays ku keeni doono in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto? Arrinkaasoo dhinacyada danta ugu weyn ku waayi doona hadaanay u istaagin kula xisaabtankeeda xubnaha Wakiilada muddo-dhaafka ah yihiin Bulshada Somaliland guddo iyo dibedd, wallow dhinaca kale isgaranayo,  sheegidana u baahnayn?

Komiishanka Doorashooyinka Somaliland oo ah hay’ada u xilsaaran  qabashada doorashooyinka ayaa xilligan u muuqda guddi ilaa loo dhameeyo hanaankii ay u shaqeyn lahaayeen ( dhinac xeerar iyo dhinac dhaqaale) aan la’aantood dhaqaaq iyo dhaliil u imanaysaa jirin, taasoo anniga laftaydu aan qirayo, sababtoo ah hadii sida Komiishanada Doorashooyinka baddi caalamku u shaqeeyaan loo diyaarin lahaa, xeerarkooda iyo dhaqaalahii ay ku qaban lahaayeen hawlahooda loogu jaan-goyn lahaa, aan sida wakhtigan gacmo-madhan la taagnaan lahaadeen, balse, doorasho walba xilliga ay u cayimaan cid walba garoon diyaarsan ugu garsoori lahaa.

Saddexda Xisbi Qaran ee JSL oo lagu tilmaamo danneenayaasha ugu muhiimsan doorashooyinka ayaa xilligan u muuqda kuwo aan u muuqan diyaargarowgii iyo u hubqaadshadii doorashooyinka mudankoodii ku soo fool-leh (Doorashada Wakiilada & Goleyaasha Deegaanka) oo lagaga saadaal qaato in natiijooyinka ka soo baxa ama xisbiga kuraasida ugu badan ku guulaysta loo baddiyo ( Ilaahay baa qebybka Oge) inuu hogaaminta talada dalka hantiyi doona mustaqbalka dhow, ( sida doorashooyinka caalamka) haddanay kuweenu ka duwanaanin, balse, haabkeedaba ma hayaan, bal adba!

Saaxiibada Somaliland, wadammada lagu naanayso, oo baddi doorashooyinkii dalkani soo maray iyo ta la saadaalinayo dabbada ka riixayey, wallow marka laga yimaado ku darsashada hadaladooda in la dardar geliyo ama wakhtigooda ku qabsoomaan mooyee, ay yarayd gargaar dhinaca dhaqaalaha ay ku kaalmeeyeen, ayaa laftooda aad moodaa inay ka gaabiyeen degdegii hore ugu jiray, ama la odhan karaa dannahii hore ay uga dhexarkayeen dedejinta qabsoomideedu haatan meesha ka baxay? Balse war jiraaba, wuu iman doonaa?

Ugu dambayn, Xukuumada Somaliland iyo Madaxweynaheeda Md Muuse Biixi Cabdi, kaalinta kaga beegan qabsoomida doorashada goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada loo qorsheeyey horaanta sannadka dambe, nin raggi wuu ogyahay, nacasna loo sheegi maayo. Laga soo bilaabo ololeyaashii Doorashadii Madaxtinimada ee dalka ka dhacday sannadkii hore, ilaa mudadii uu xilka hayey Md. Biixi tirro ma laha inta wakhti ee uu ballanqaaday in xukuumadiisa ka go’an tahay qabsoomida doorashooyinka soo socda Idamka alle, iyo weliba sii qadimidda kharashkii ku baxayey qeybo ka mid ah (haddaanan khaldanayn), isla markaana wefdi kastoo u yimaadana la wadaagayey ballanqaadkaa, balse isweydiintu waxay tahay, ma u diyaarsan yihiin xaqiiqdii gaadhitaanka hadafkooda, mise, sidii hore inoo daashatay ayaa marka xeedho iyo fandhaal kala dhaco, la eersan doona korodhsiimo aynu ku soo eedawday dal iyo dadba?

Waxaan kaga baxayaa, wakhtigu wuu ordayaa, culaysyada ku gedaaman doorashooyinkuna ma sahlana, ka horqaadkooda, ha ugu horeyso ka helitaanka xeerarkii lama huraan u ahaa golaha Wakiilada, oo weliba xubnaha aqlabiyada lagu tirito xisbul-xaakimka, iyo u diyaarinta kharashkii lagu geli lahaa, ilayn horaa loo yidhiye (Nin La Tolaa, tallo u taalaa), ama qolyahii ferenji la eersataaba, adigaa Madaxweyne Md Biixi dal iyo dadba masuuliyadeedii ku saaran tahay, guusha iyo guuldarada (Ilaahay kama dhigee) la soo gudboonaada qabsoomida doorashaduna waa mid taariikhdaada dambaysa iyo wakhtiganba ku suntanaan doonta. Waxaan anniga, dalka Somaliland iyo dadkiisuba kaa filaynaa Madaxweyne Md Muuse Biixi inaan maruun ka nasanno naanaysaha aanan geyin ee naloo xambaariyo, ku galabsano goleyaashan muddo-dhaafka ku dheefa.       

Insha alaah, qeybo dambe oon si gaar gaar ah ugu faalayn doono dhinacyadaay khusayso qabsoomida Doorashooyinka, maalmaha soo socda ayaan la wadaagi doonaa akhristayaasha.

Maxamuud Cali Sheekh Maxamed (Walaaleeye)

mohamoudali33@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.